“In 2 Sanno La Kordhiyay Xukumaddu Doonaysa,”Wadani

0
Xoghaye Khadar Oo U Jawaabay Wasiir C/laahi Abokor

“In 2 Sanno La Kordhiyay Xukumaddu Doonaysa,”Wadani
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxa uu sheegay in xukuumadda KULME ku hawlan tahay in ay goleyaasha Wakiillada iyo degaanka wakhtiga u kordhiso muddo laba sannadood ah, sidoo kalena doonayso in xisbiga WADDANI lagu qanciyo in uu Komishanka jooga kalsooni siiyo si ay u sii fadhiyaan. Waxa sidaas sheegay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Looge) oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.

Waxa uu sheegay in tan iyo labadii 2-dii January oo lagu kala kacay kulamadii xisbiyada ay xukuumaddu abaabulaysay dad WADDANI ku qanciya in uu aqbalo Guddida Doorashadu in ay sii joogto si ay doorashooyinka dambe u qabato. Waxa uu intaasi ku daray in aanu xisbiga WADDANI sinaba u aqbali doonin doorasho Komishankani qabto.

“Qodobka 1-aad ee la isku qabtay wuxuu ahaa Komishanka hadda jira maxaa laga yeelaya? Xisbiga Waddani waxa uu taagna ilaa bilawgii ilaa haddana taaggan yahay Komishanka hadda jooga in uu yahay mid aanu u aragno in aanu ahayn dhex doorashana aanu noo qabanayn. Fikrad kale ayaa jirtay oo xisbiga UCID soo jeediyay oo ahayd in Komishanka laba xubnood lagu daro. Arrinta labada xubnood ayaan doonaya in aan si fiican u waadixiyo oo ay muuqato in aanay dad badan si fiican u fahmin, labada xubnood ee laga hadlaya waa laba lagu dari doono doorashada kadib taas oo macnaheedu yahay waxa uun ay macno samaynayaan doorashada madaxtooyada ee 2022,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi oo intaas ku daray in aan laga wada hadal habka loo qaybsanayo xubnaha Komishanka marka la kordhiyo laakiin, mawqifka Waddani yahay in si siman loo kala qaato xubnaha Komishanka haddii 9 laga dhigo.

Xoghayaha Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in la isku hayo doorashooyinka soo foodda leh ee Wakiillada iyo degaanka iyo in aanay Komishankani qaban Karin doorashada, islamarkaana guud ahaan dhinacyada aanay jirin cid tanaasul samaysay “Waa in ay shacbiga Somaliland u caddaato cid wax ka tanaasushay in aanay jirin, haddii la yidhaahdo KULMIYE ayaa wax ka tanaasulay ama cid kale ayaa wax ka tanaasushay. Waxa la isku haya waa doorashada soo socota ee Baarlamaanka Komishankani xaq maaha oo doorasho ma qabanayo iyo wuu qabanaya intaas ayaa la isku haya,Kulmiyena kamuu tanaasulin anaguna kamaanu tanaasulin, marka horta cid baa tanaasushay oo aanu meelaha qaar ku arkaynay waa been oo cid tanaasushay ma jirto waana in ay taasi shacabka u caddaato,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Geesta kale xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in todobaadkii u dambeeyay ay socdeen shirar ka dhacayay guriga Madaxweyne Xigeenka Somaliland iyo hotelka Maansoor kuwaas oo lagu abaabulayay arrimo siyaasadeed oo khatartooda leh. Waxa uu sheegay in arrimahaas ay ugu wayntay abaabulidda dad ku qanciya WADDANI in uu aqbalo sii joogida guddida Doorashada iyo muddo laba sanno ah dib loo dhigo doorashada baarlamaanka “Ujeedada shirarka laga leeyahay iyo waxa soo socda ujeedada laga leeyahay waxa weeye in la soo abaabulo dad WADDANI u yimaadda oo yidhaahda ‘Tanaasula’ dadka waxaanu u sheegayna anagu doorasho waanu doonayna in doorasho dhacdo ayaanu doonayna laakiin, doorasho aan caddaalad ahayn ma doonayno. Qofka noo imanaya ee leh waxaan doonaya doorasho Komishankaasi qabanayo in aanu nagu soo lug-gu’in baanu u sheegayna. Doorasho uu Komishankaasi qabanayo oo aanu kalsooni siinayno oo aanu galayna ma jirto. 11 bilood ayaanu ka hadlaynay doorasho iyo in 7 xubnood iyo shacabka Somaliland la isbarbar dhigo oo ay Madaxweynaha kala muhiimsanaatay in uu todobada xubnood meesha ku hayo. 11-ka bilood cashuurtii iyo hantidii Qaranka Komishankan ku soconaysay wax shaqo ahna Qaranka umay hayn imikana waxa la qorshaynaya 11 bilood oo kale in ay sii joogaan iyaga oo aan wax shaqo ah Qaranka u hayn, ujeedada rasmiga ahna waa in aanay doorasho dhicin, marka eeddii ciddii la saari laha baa la daydayaya laakiin, eed cid la saaraya ma jirtee eedda cid bay sharciyaddu saartay, doorasho haddii ay dib u dhacdo eeddeeda madaxweynaha mar kasta leh, madaxweynaha ayay waajibkiisa iyo shaqadiisa tahay in uu doorashada qabto,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga WADDANI.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda KULMIYE doonayso in ay muddo laba sanno ah kordhiso muddo xileedka goleyaasha Wakiillada iyo degaannada “Hadda ayaanu dadka u sii sheegayna waxa lagu talo galay in laba sanno la kordhiyo(Doorashada), qorshaheedii baa yaalla, heshiiskeedii baa yaalla, xogta aanu hayna sheegaysa hawshaas ayaa la wada oo laga shaqaynaya. Xataa intii aanay xisbiyadu isu iman ee aanay kulmin ayaa go’aanka la qaatay, Guurtida faqaas ayaa loo sheegay wax kasta oo inta ka dambeysay dhacayay waa hummaag iyo boodh isku qarin iyo eedda sidee baynu u leexina,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in dib u dhaca doorashadu dhaawacayo sumcadda Somaliland ee dhanka Geeddi socodka Dimuqraadidda. Waxa uu sheegay in qorsheyaasha xukuumadda madaxweyne Biixi sababi doonan in bulshadu ka gilgilato oo muddaharaado kala hor timaaddo wixii cawaaqib ka dhashana masuuliyaddeeda uu madaxweyne Biixi qaadi doono.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.