Home Articles Imaatinka Madaxweyne Siilaanyo Ee Maanta: Afar Oodob Oo Baraarujin Ah! W/Q Sidiiq Gahayr

Imaatinka Madaxweyne Siilaanyo Ee Maanta: Afar Oodob Oo Baraarujin Ah! W/Q Sidiiq Gahayr

3 min read
0
0
427

Mudane Madaxweyne, 28 cisho ayaad maqnayd. Muddadaasna waxa aad ummadda la soo hadashay labaatan il-bidhiqsi (twenty seconds). Sidii aad caanka ku ahaydna “Waan caafimaad-qabaa, waan nabad-qabaa. Sakaraad ima hayo, waan soo socdaa” baad tidhi.

Hadal iyo hilbaba kala qalane, afartayda qodob waxa ay kala yihiin:

1. Ku soo dhawaw dal uu sicir-bararki xadhkaha goostay oo $100kii doollar gacanta dambe marayo milyan iyo laba boqol Somaliland shiling (1,200,000 SL SH). Labanlaab ayuu sarrifku kordhay intii aad xilka haysay, welina xal kaama haynno. Mooyi inay faalso ahayd shahaadadaadii dhaqaalaha ee heerka labaad “master” iyo jaamacaddaadii Manchester, inaad hagranayso mooyi, mooyi inaanad ogeynba xaaladda jirta, waayahaaga kalena ma hubo. Tiiraanyada iyo tawsta la wadaag ganacsatada shilinka wax ku iibisa ee dhabannada haysta.

2. Ku soo dhawaw caasimad uu shuban-biyoodku ku dilay qofkii kowaad. Seylici ayaa 2009kii yidhi “UDUB waxa ay Ilaahay ka baridaa abaar iyo aafo, si aan doorasho u dhicin”. Halkaana malaha fursad kale ayaa idiinku jirta haddii xanuunku sii fido, haa marka ay dadku baabba’aan ayaa ay kuwo kalena badhaadhaan. Guurtiduna malaha way daawatay warkii shubanka Hargeysa ka dillaacay.

3. Ku soo dhawaw Madaarka Cigaal ee dhulkiisii la baloodheeyay, waxa socdaa ma aha dhismihii Wasaaradda Duulista ee la casriyaynayo. Maqasna ha u soo qaadan inaad xadhigga ka jarto marka uu dhis-booliyeedkani dhammaado.

4. Ku soo dhawaw qaadashada kaadhkaagii codaynta. 2008dii waxaad tidhi 1936kii ayaan dhashay, 2014kiina inaad 1942kii dhalatay ayaad qoratay. Ma garanayo labada hadal ka aan dhabta kaa ahayn. Alla xeeladdaadu dheeraa adeer! Bal inta aan wakhtigu kaa dhicin qaado kaadhkana insha Allah.

Anigu afartaa xaaladood ayaan Madaxweynaha uga warramaye, maxaad ugu daraysaan?

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo shirballaadan ku soo bandhigtay qorshaha waxqabadeeda arrimaha Tamarta (Sawirro)

Hargeysa (Sayruuq)-Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa si weyn u soo bandhigta…