Imaaraadka Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyay Lacagtooda Muqdisho Lagu Qabtay

0
721 views
Imaaraadka Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyay Lacagtooda Muqdisho Lagu Qabtay
The UAE Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation.

Imaaraadka Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyay Lacagtooda Muqdisho Lagu Qabtay

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa si kulul loogu cambaareeyay xukumadda Soomaaliya oo Axaddii Muqdisho ku qabatay diyaarad ay leedahay dawladda Imaaraadka oo siday lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar.

Wasaaraddu waxay sheegtay in lacagta dhan $9.6m loogu talo galay ciidamada Soomaaliya iyo kuwo tababar u socdo.

Wasaaradda Imaaraadku waxay sheegtay in dadkii siday lacagtaasi lagu qabtay qori caaradii qaarna ay khasaare u gaysteen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya “Falkani waa tallaabo sharci darro ah oo ka hor imanaysa sharciyadda ay ku aasaasan yihiin diblamaasiyiinta iyo dhaqamada u dhexeeya dalalka waana mid si ba’an loogu jabiyay heshiiska is fahan ee labada dal kala saxeexdeen November 2014,” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya sharci jebintan kula kacayso iyada oo Imaaraadku kala soo dabaashay mugdi kana soo taageeray dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka

Source: UAE condemns Somali authorities’ seizure of private jet

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here