Imaaraadka Oo Ka Hadlay Lacagta Somalia Haysato

0
1,184 views
Imaaraadka Oo Ka Hadlay Lacagta Somalia Haysato

Imaaraadka Oo Ka Hadlay Lacagta Somalia Haysato

Dawladda Soomaaliya ayaa Axaddii Shalay madaarka Muqdisho ku qabatay saddex shandadood oo ay ku jirto lacag kaash ah oo $9.6 Milyan oo dollar ah taas oo laga keenay dalka Imaaraadka. Waxa madaarka ugu diyaar ahaa si uu lacagta u qaado danjiraha Imaaraadka ee Muqdisho laakiin, waaxda la dagaallanka argagixisada ayaa lacagtaasi qabsatay.

Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi danjiraha Imaaraadka u fadhiya Muqdisho ayaa warbaahinta Maraykanka ee VOA u sheegay in lacagtani u socotay wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya, islamarkaana ahayd mushaharka ciidamada “Lacagtan ku talo galkeedu ma ahayn safaaradda Imaaraadka, waxay ku socotay wasaaradda gaashaandhigga. Waa mushaharkii askarta Soomaalida,” Sidaas ayuu yidhi Amb Al Xamadi.

Waxa uu sheegay in xukumadda Muqdisho ogayd in lacagtu u imanayso ciidamada. Imaaraadka ayaa Muqdisho ku tababara ciidamo Soomaali ah, sidoo kalena ilaa 1,000 askarta badda ee maamulka Puntland ah siiya mushaharka.

Doodda Danjiraha waxa ku gacan saydhay saraakiil aan magacooda la sheegin ee VOA la hadlay kuwaas oo ku andacooday in aanay lacagta mushaharka loo siiyo ciidamadu ka badan Karin hal milyan, islamarkaana baadhis lagu caddayn doono cidda iyo ujeedada lacagtan.

Arrintan ayaa loo arka mid sii kala fogaynaysa Muqdisho iyo Abu Dabay oo aan marka horeba isku san bannaanayn. Arrinta sida weyn loo hadal hayo ayaa ah in Soomaaliya khalad samaysay maaddaama ay baadhay boorsooyin diblamaasiyadeed adduunkana uu heshiis uga yaallo in aan la baadhin boorsooyinka diblamaasiyiinta.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here