Imaaraadka Oo Joojiyay Fiisaha Somalia Kuna Bedelay Somaliland

0
3,468 views
Imaaraadka Oo Joojiyay Fiisaha Somalia Kuna Bedelay Somaliland

Imaaraadka Oo Joojiyay Fiisaha Somalia Kuna Bedelay Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UAE ayaa websitekeeda laga codsado E-Visa waxay ka saartay Somalia iyada oo ku bedeshay Republic of Somaliland. Toddobaadkan ayaa Dad ku galeen Imaaraadka Somaliland Passport. Waxaana dhawaan shaacisay in ay Visa ku soo saarayo Passport-ka Somaliland shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia ee Imaaraadka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay warar ku saabsan in dawladda Imaaraadku joojinayso sharciyada dadka u dhashay Soomaaliya, islamarkaana aanay u cusboonaysiin doonin ciqaamadaha kadib markii labada dal uu soo kala dhexgalay khilaaf culus oo dhanka diblamaasiyadda ah.

Imaaraadka iyo Somalia ayaa isku jiidhay markii Muqdisho goosatay in ay dhexdhexaad ka ahaanayo khilaafka xulufadda Sucuudiga iyo Qadar. Waxa kale oo arrinta sii kululeeyay cilaaqaadka Abu Dubai la yeelatay Somaliland waxaana meeshii ugu xumayd gaadhsiiyay diyaarad sidday 10 milyan oo dollar oo Imaaraadku leeyahay oo Muqdisho qabsatay taas oo soo afjartay xidhiidhka labada dhinac.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.