“ILAAHAY Ballankii Waan Ku Diirsaday Caleemo-Saarka Boqorka Muuse Abokor Ee Beel-weynta ARAB Boqor Maxamed…” Axmed-MAAWEEL

0
344 views
“ILAAHAY Ballankii Waan Ku Diirsaday Caleemo-Saarka Boqorka Muuse Abokor Ee Beel-weynta ARAB Boqor Maxamed…” Axmed-MAAWEEL

“ILAAHAY Ballankii Waan Ku Diirsaday Caleemo-Saarka Boqorka Muuse Abokor Ee Beel-weynta ARAB Boqor Maxamed…” Axmed-MAAWEEL.
Hargeysa(Sayruuq)- Murashaxa Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland ee Soo socotaa Axmed Maxamed Fidhin Geele(Axmed-MAAWEEL), ayaa bogaadiyay Caleemo saarka Boqorka Muuse Bokor ee Beel-weynta ARAB Boqor Maxamed Boqor Ciise, isla markaana duco iyo waano u jeediyay.

“Waxaan bogaadinayaa Caleemo saarka Saaxibkay boqor Maxamed Boqor Ciise oo lagu caleemo saaray Duleedka Magaalada Hargeysa 27 September 2018, ILAAHAY ballankii waan ku diirsaday Caleemo-saarkiisa, Boqor Maxamed waxa fuushay masuuliyad, sideedaba masuuliyadanu waa culeys, waxaan leeyahay dadka isku wad oo waa isugu-kaa mid ha ahaadaan oo isku wad, oo u cadaalad samee, waxaanan ILAAHAY kaaga baryayaa inuu xilkaasi (Boqornimo) ku fududeeyo annaguna wixii hiil iyo hooba waanu kula garab taaganahay.”.Ayuu yidhi Murashax Axmed Maaweel oo maanta u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Waxaad nasiib u heshay adiga oo dhalinyaro ah, inaad ku soo biirtay saaxada dhaqanka, dhaqankuna sidiisaba waa wax muhiima oo aynu ku caano-maalnay oo ay umadda Reer Somaliland umadaha kale ay dheertay.Sideedaba umadduna haddii aanay dhaqan lahayn maaha umad jirta, waxaan ugu baaqayaa Salaadiinta reer Somaliland iyo kuwa gobolka HAWD ee uu Boqor Maxamed ka soo jeeda-ba inay hiil iyo hooba la garab is-taagaan oo ay saxaadda dhaqankana ay ku soo dhaweeyaan”

Waxa aan ILAAHAY ka baryayaa in uu cimriga, caqliga, cibaadada, carruurta, caafimaadka, cisiga iyo cilmiga u barakeeyo Saaxibkay Boqor Maxamed Boqor Ciise.

“ILAAHAY Ballankii Waan Ku Diirsaday Caleemo-Saarka Boqorka Muuse Abokor Ee Beel-weynta ARAB Boqor Maxamed…” Axmed-MAAWEEL

Xafladii Caleemo-saarka Boqorka Muuse Abokor ee Beel-weynta ARAB Boqor Maxamed Boqor Ciise Waxay ahayd munaasibad billan oo la isku arkay, isla markaana si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo aan loo kala hadhin, waxaanan nasiib u helay inaan goob-joog u ahaado.

Axmed Maxamed Fidhin Geele(Axmed-MAAWEEL),

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.