Liiska Magacyada Suxufiyiinta Siyaasada Ku Milmay Iyo Hay`addaha Warbaahineed Ee Ay Ka Soo Kala Jeedaan

0
76 views

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa soo bandhigay magacyadda suxufiiyiin uu ku eedeeyey in xisbiga Kulmiye u magacaabay inay ka mid noqdaan guddida saxaafada ee xisbigaasi.

Afhayeen Ibraahin Mahdi Buubaa oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq u diray hay’addaha warbaahineed ee ay ka hawl galaan wariyayaashi uu sheegay.

Afhayeen Ibraahin Mahdi Buubaa oo soo bandhigaya magacyada suxufiyiinta ayaa waxa uu yidhi “Waxa dhacday in suxufiyiinta ugu waa waynayd somaliland gaar ahaan suxufigii macalinka u wada ahaa ee Yoonis Cali Nuur in isaga oo ka mushahar qaata telefishanka qaranka oo ah masuul qarankan u adeega oo xeerka saxaafadu ka reebayo

inuu xisbi gaar ah u ololeeyo uu noqday masuul xisbiga muxaafidka ahi soo magacaabay oo loo magacaabay guddida saxaafada ee xisbiga Kulmiye, waana la arkayey wixii uu ka hadlayey in shaadhkii iyo macawistiiba ka dhaceen, arintaasna waa mid fool xun waana mid aanaan filayn balse waxaanu leenahay ka digtoonow.”

“Waxa kale oo la mid ah suxufi kale oo ka shaqeeya telefishanka qaranka oo lagu magacaabo Xagar oo ah wariye wayn oo ka shaqayn jiray BBC-da, nasiib darada dhacdayna waxa uu ku jiraa guddida uu kulmiye magacaabay ee uu yidhi waa guddida saxaafada ee xisbiga Kulmiye, waana wax lala yaabo oo sharciga iyo dhaqanka saxaafadaba baal marsan, qofkuna haddii uu telefishanka qaranka ka shaqeeyo waxa ka reeban inuu noqdo xubin xisbi mucaarid iyo muxaafid toona, waxaanan leenahay sharciyada dib ugu soo laabta.”

“Waxa kale oo aan xusayaa in Cabdiraxmaan Xirsi Heele iyo odaygii waynaa Ee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale oo ka tirsan HCTV inay labadaasi ka mid noqdeen xubnaha xisbiga Kulmiye magacaabay.”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.