Home Somali News Ibrahim Raabi Oo Shaqadii Qaranka Ku Ilaaway Shabakad Warbaahineed Oo Uu Ku Baabiinaayo Dhaliilihiisa

Ibrahim Raabi Oo Shaqadii Qaranka Ku Ilaaway Shabakad Warbaahineed Oo Uu Ku Baabiinaayo Dhaliilihiisa

2 min read
0
0
615

Gudoomiyaha Ha’yada Abaabul kasaarka Qaranka Ibraahim Axmed Raabi ayaa bartiisa facebookga ku faafiyey in uu bulshadda u soo bandhigaayo bar saxafadeed internetka ka hirgasha oo uu kusoo bandhigaayo warar iyo macluumaad xaqiiqo ah.

Masuulkan oo shaqadda uu qarnka iyo bulshadda u hayaa ay tahay mid kaweyn shabakad warar iyo dhaliilo lugu faafiyo, ayaa u muuqda in uu kusoo hoos noqoday saxaafadda isaga oo aan aqoon iyo takhasusaas u lahayn wax ay saxaafaddu tahay iyo halka laga bilaabo.

Dad xogogaal ah oo Somalilandi u iftiimiyey sababta uu sidan u samaynaayo isagoo ah masuul qaran ahna gudoomiyaha Ha’yada abaabul kasaarka qaranka ayaa ay noo iftiimiyeen in warar xaqiiqo ah oo ay ka qoreen qaar kamid ah saxaafadu uu aad u dhibsaday Ibraahim raabi, isla markaana ay arintani ku kaliftay cadho uu u qabo saxaafadda qaar, imakana uu bilaabay talaabadii uu kaga aar gudan lahaa.

Ibraahim ayaa qabtay gudoomiyaha abaabul kasaarka qaranka kadib markii laga caydhiyey xoghayntii dawladda hoose oo uu ku mutay dhaliilo iyo waxqabad la’aan, ilaa hadda oo mudo sanad kor u dhaaftay oo uu gudomiye ahaana lagama hayo waxqabad muuqda oo ay gaadhey Ha’yadda uu masuulka ka yahay.

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Somali News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dawladda Denmark Oo Doorashada Madaxtooyada Ku Tilmaantay Tijaabo Lagu Eegayo Horumarka Somaliland Ee Dimuqraadiyadda

Hargeysa(Sayruuq)-Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed…