Home Articles Ibraahin Raabbiyoow Duqsigii duul-duul bataa mar-buu fuud kulul ku dhacaa..W/Q:A.Asparo

Ibraahin Raabbiyoow Duqsigii duul-duul bataa mar-buu fuud kulul ku dhacaa..W/Q:A.Asparo

4 min read
0
0
392

Ibraahim Axmed Raabbi waa Maarreeyaha Hay’adda abaabul ka saarka qaranka ee NDC. Xilkaas waxa uu hayay muddo laba-sannaddood ku siman. Waa siyaasi raad barad ah oo Jibadda iyo Xil jecaylku uu meel walba gelinnaayo. Xilka uu u Magacaabay Madaxweynaha Somaliland ee Maarreeyaha Hay’adda NDC waxa uu ka jecel yahay oo uu ku dholallaa taageeradda guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbigaas, waxaannu caddaystaa oo aannu qarsan dafirraada iyo nacaybka ka mid ahaanshiyaha Xukuumadda uu ka tirsan yahay, waxaa-se u habboonayd haddii aannu la shaqayn karrayn Madaxweynaha xilka u dhiibay iyo gacan-yarrihiisa Wasiirka Madaxtooyadda innuu booskaas banneeyo oo uu is casilo, maaddaama ay u muuqatay in Muuse Biixi iyo Madaxtooyaddu aannay isku dhinac wax u waddin.
Maarreeye Ibraahin sida uu ugu wareeray qul-qullatooyinka Siyaasaddeed ee Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa waxa u marag ah kulankii shalay ee Siyaasiyiinta beelaha arab ee ku jira Xukuumadda iyo KULMIYE ay la yeesheen Guddoomiyaha Xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, iyaddoo uu Maarreeye Ibraahin uu Dacwad ka gudbiyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, taasoo intiii Madasha fadhidday-ba af kala qaad ku noqotay Weerarka qaawan ee uu ku qaadday Wasiirka Madaxtooyadda, hase-yeeshee waxa uu si kooban guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ugu hal celiyay inaanay Dacwaddaasi ahayn mid khusaysa, isla markaanna aannu wax-ba ka qaban karrin ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gudbiyo, maaddaama oo ay Xukuumaddaas ka wada-tirsan yihiin…
Siyaasigan layliga ahi waxa uu Xisbiga KULMIYE u qaabilsan yahay cayda iyo aflagaaddada Madaxda ay isku deegaanka ka soo jeeddaan ee ku jira Xisbiga WADDANI, balse kama fikirro saamaynta iyo karraamadda ugu kordhaysa cayddaas uu ku hayo birmagaydada deegaankiisa. Ibraahin waa shaqsi ka arradan Dhaqanka iyo Milgaha hadalka, waa Shaqsi aan faham u lahayn Wadciga hadda lagu jiro, waa Ninka marka uu hadlaba aad mooddayso innuu dhaqdhaqaaq yahay sida uu wax isaga dhex tuurraayo. Waa Maarreeye ka Taggan milgaha iyo maamuuska Xilleed ee uu qarankiisa u hayo.
Maarreeye Ibraahin waxaan leeyahay Cayda saxaafadda darajo laguma gaadhee addeerrow siddi siddidaada mooyee, dhul dhacaagga hubso, oo intaad Muuse Biixi iska dhaadhicinnayso Af libaax haku dhicin…..

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Daawo:Wasiir Fajac Iyo Amakaag Ka Qaadey Balanqaadkii Musharax Ciro U Sameeyey Ciidamada Somaliland

Ceerigaabo (Sayruuq):- Wasiirul Dawlaha Wasaarada Caafimaadka Somaliand Maxamuud Aadan Jaa…