Ibraahin Iidle Ku Adkaysanaya Xilkiisa & Guddoomiyaha Cusub Oo La Dhaariyay

0
390 views
Ibraahin Iidle Ku Adkaysanaya Xilkiisa & Guddoomiyaha Cusub Oo La Dhaariyay

Ibraahin Iidle Ku Adkaysanaya Xilkiisa & Guddoomiyaha Cusub Oo La Dhaariyay

Muqdisho(Sayruuq) Madaxtooyada Soomaaliya waxa maanta lagu dhaariyay Baashe Yuusuf Axmed oo Axaddii madaxweyne Farmaajo u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya laakiin, Ibraahin Iidle Saleebaan ayaa wali ku adkaysanaya in uu yahay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Iidle xilka ka qaaday isaga oo ku eedeeyay in bahda garsoorka iyo bulshadu ka cabatay shaqadiisa laakiin Ibraahin iidle Saleebaan wuu ku gacansaydhay eedaasi waxaanu sharci darro ku tilmaamay hannaanka xilka looga qaaday.

Markii ay dhammaatay dhaarinta Baashe kadib ayuu Ibraahin Iidle BBC-da u sheegay in uu wali isagu yahay guddoomiyaha maxkamadda sare ee sharciga ah.

Inkasta oo Baashe Yuusuf Axmed shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK isaga oo ku taqasusay shuruucda la xidhiidha ganacsiga iyo badaha.

Haddana Prof Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu ku eedeeyay in uu bilaa khibrad yahay, islamarkaana aanu waligii maxkamad fadhiisan. Somaliland lafteeda ayaa sheegtay in aanu waligii Soomaaliya arag oo ay laftiisa uga baqayaan in uu la qabsan waayo.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.