Human Rights Watch Oo Dalbatay In Soomaaliya La Horkeeno Shuruucda Qaramada Midoobay

0
39 views

Hargeysa(Sayruuq) Hay’adda Caalimiga ah ee ilaalisa xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa ku baaqday in Soomaaliya la horkeeno caddaaladda Caalamiga ah. Hay’adda ayaa sheegaysa in ciidamada Soomaaliya, maleeshiyaadka bahwadaagta la ah iyo kooxda Alshabaab si isku mid ah ugu tacadiyaan bulshada rayidka ah iyo dad lagu tuhmo Alshabaab. Ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyaadka ayay sheegtay in ay u dhaqmaan sida ay doonaan iyada oo aanay cidna la xisaabtamin.

Waxa sii socota in shacabku wajahaan xaalad ba’an oo dhanka xuquuqal iisaanka ah. Alshabaab ayaa bartilmaameedsata shacabka guud ahaan dalka oo dhan, halka ciidamada dawladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka bahwadaagta la ah si aan kala sooc lahayn u dilaan iyaga oo si sharci darro ah u beegsada rayidka xilliyada ay hawlgallada Alshabaab ka dhanka ah ku jiraan. Sidoo kale beelaha ku loolama khayraadka iyo siyaasadda,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal ay daabacda HRW.

“Waxaa wali sii socota Tababarridda carruurta iyo u isticmaalka dagaal yahannimo, gaar ahaana Alshabaab. Halkii ay ka ahayd in ay dawladda Soomaaliya ka go’naato xannaanaynta carruurta hore Alshabaab uga mid ahayd, waxaa jirta in qaar badan la hayo muddo dheer, iyada oo aan loo ogolaan in ay eheladooda iyo Looyarrada arkaan, qaarkoodna Maxkamad military ayaa xabsi ku xukunta,” Sidaas ayay tidhi HRW.

Abaarta, dagaallada beelaha, la dagaallanka Alshabaab iyo dagaallada maleeshiyo beeleedyada, dadka xoogga lagu barakiciyay waxay keentay in boqolaal kun barakacaan ilaa 2016-kii, gaar ahaana meelaha dawladdu maamusho ee magaalooyinka ah,” ayaa warbixinta lagu sheegay  waxaanay hay’addu tilmaantay in dawladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedadu sameeyeen dadaallo lagula xisaabtamayo dadka gala tacadiyada galmada laakiin, loo baahan yahay in wax badan wax laga qabto.

Hay’addaha Sirdoonka Qaranka, Maxkamaddaha Militariga iyo Nabad sugida Soomaaliya oo awood badan u leh la xisaabtanka dadka lagu eedeeyo in ay Alshabaab ku lug leeyihiin ayaa si joogta ah si qalloocan loo xukuma oo xuquuqda ka soo horjeeda waxaana ka mid ah in dil lagu xukumo iyada oo aanay cidna la xisaabtamayn hay’addahan ayay sheegtay HRW.

“ Human Rights Watch waxay ku dhiirigelinaysa OHCHR(Hay’ad waaxda xuquuqal iisaanka Qaramada midoobay ka tirsan)  in ay qaadato masuuliyaddeeda oo isticmaasho in ay sawirto(Map-garayso) oo qorto(Document-garayso) dambiyada caalamiga ah ee ay galaan dhammaan dhinacyada Soomaaliya xilliyada dagaallada. Waxaanu ku talinayna in la horumariyo shuruucda la iskula xisaabtamayo,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka Human Rights Watch.

Dulucda Human Rights Watch ayaa ah in sharciga caalamiga ah lagu qaado dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafaadka iyo dagaallada Soomaaliya ka dhaca oo hay’addaha dawladda, ciidamada, Alshabaab iyo maleeshiyo beeleedyadu ka mid yihiin.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.