Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Oo Muqdisho Lagu Iibinayo

0
407 views
Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Oo Muqdisho Lagu Iibinayo
Ciidamada oo tababaranaya

Hub Laga Xaday Xeradii Imaaraadka Oo Muqdisho Lagu Iibinayo

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ogaatay in saldhiggii ciidamada Soomaalida ay ku tababaraysay dawladda Imaaraadku laga xaday hub badan, islamarkaana lagu iibinayo Muqdisho. Muddadii Imaaraadku waday in uu ka baxo Saldhigga ayaa la sheegay in ciidamada Soomaalidu hub badan xadeen, islamarkaana ay hadda ka iibinayaan dad kale.

Reuters ayaa sheegtay in ilaa 600 qoryaha AK47 u badan la galiyay suuqa, islamarkaana lagu iibinayo qiimo dhan ilaa $700 taas oo ka jaban qiimaha la siiyo qoryaha noocan ah oo gaadhaya $1,350. Ragga hubkan askartu ka iibisay oo Reuters la kulantay ayaa u sheegay in ay markiiba qoryaha dib ugu iibinayaan lacag dhan $1000 waxaana qoryaha ka muuqata calamadda ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa ku dagaallamay bililiqaysiga xerada Imaaraadku ka baxay iyada oo la sheegay in qaybo hub la baxayay iyo kuwo difaacanayay iskaga horyimaadeen.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xidhiidhkoodu halkii u xumayd gaadhay markii Muqdisho qabsatay diyaarad Imaaraad ah oo siday 47 askarta Imaaraadka ah iyo lacag dhan $9.6 Milyan. Arrintaasi ayaa kalliftay in Imaaraadku joojiyo macaamilka Soomaaliya waxaana la dhawraya tallaabooyinka uu kaga aargoosan doono.

Faahfaahin:EXCLUSIVE-Weapons stolen from UAE training facility in Somalia, sold on open market

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.