“Horumarka Itoobiya Waa Horumarka Somaliland,” Dr Sacad

0
69 views
Somaliland Oo Doonaysa In Suudaan Qayb Ka Noqoto Wada Hadalka Somalia

“Horumarka Itoobiya Waa Horumarka Somaliland,” Dr Sacad

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maalmihii  u dambeeyay ku sugna magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya oo uu ka socdo shirka Madaxda Afrika, halkaas oo shir doceedyo kula leeyahay madaxda kala duwan eek a socota qaaradda Afrika oo uu kala hadlayo qaddiyadda Madax bannaanida Somaliland.

Wasiirka oo waraysi siiyay telefishanka Walta Tv ayaa sheegay in horumarka ay gaadho Itoobiya yahay mid ay faa’iido ka soo gaadhayso Somaliland “Somaliland waxay horumarka Itoobiya u tixgelisa sida horumarkeeda oo kale; markka jaarkaagu horumaro ee barwaaqoobo si toos ah iyo si dadban ba waad uga faa’iidaysanaysa. Dhismaha dhaamka Itoobiya(he Ethiopian Grand Renaissance Dam) runtii horumar ayuu Itoobiya u horseedaya, Somaliland-na waxay ka helaysa in Korontada laga iibiyo,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad ayaa intaasi raaciyay in Itoobiya iyo Somaliland kor u qaadayaan iskaashiga dhinaca ganacsiga oo taariikhi ah, ilaalinta ammaanka labada dal iyo walaalnimada labada bulsho, islamarkaana lagu dadaalayo sidii loo horumarin lahaa dhinacyada ay labada dal iska kaashadaan.

Telefishanka waraystay wasiir Sacad ayaa sheegay in Itoobiya siiso Somaliland deeqo waxbarasho oo badan, sidoo kalena ay Somaliland ka hawlgalaan shirkadda diyaaraddaha Itoobiya, bangiga ganacsiga Itoobiya, jaamacado gaar loo leeyahay iyo ganacsiyo kale oo Itoobiya laga leeyahay.

Madaxweynaha Somaliland oo dhawaan Bookhday Itoobiya ayaa si diirran loo soo dhaweeyay iyada oo laga wada hadlay iskaashiga labada dal oo ay ka mid tahay ka shaqaysiinta saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera oo 19% ah taas oo Itoobiya laga soo dhaweeyay loona arko in ay masaafo ahaan dekedda Berbera u dhaw dahay Itoobiya faa’iidana ay ka helayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Maxay ka yidhaahdeen Kulankooda?

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.