Hooyo Sawir Awood Badan Oo Laga Qaaday Saamayn Yeeshay

0
727 views
Hooyo Sawir Awood Badan Oo Laga Qaaday Saamayn Yeeshay

Hooyo Sawir Awood Badan Oo Laga Qaaday Saamayn Yeeshay

Jahantab Ahmadi waa hooyo 25 jir ah oo leh 3 carruur ah. Waligeed Facebook ma arag todobaadkan ka hor. Baraha bulshada ee Facebook, Twitter iyo warbaahinta dunida ayaa si weyn u qaada dhigay hooyadan inkasta oo ay goor dambe ka war heshay.

Bare ka tirsan jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Nasir Khusraw oo ku taalla badhtamaha waddanka Afganistan ayaa sawirro ka qaaday hooyadan oo ku jirta imtixaan ay jaamacad ku galaysay kadibna ku baahiyay boggiisa Facebook.

Hooyadan ayaa imtixaanka gashay iyada oo sidata ilmaheeda oo laba bilood jiray. Kursiga ay fadhiday ayay kala kacday kadib markii ilmuhu ku ooyay iyada oo su’aalaha imtixaanka ka jawaabaysa kadibna sagxadda fasalka ayay fadhiisatay si ay ilmaha u dejiso waxaana laga qaaday sawirro iyada oo ilmaha dhabta ku haysa dhanna ka shaqaynaysa Imtixaanka.

Hooyo Sawir Awood Badan Oo Laga Qaaday Saamayn Yeeshay

Hooyadan hawli yari kuma soo gaadhin jaamacaddan ay hadda is qortay ee imtixaanka galitaanka ay u fadhiisatay laakiin, waxay uga timid degaanka Daikundi waxaanay u soo marta socdaal dheer oo ku qaata laba saac oo lug dhul buuro iyo raf ah iyo 9 saacdood oo ay gaadiidka dadweynaha la socoto si ay u gaadho caasimadda gobolka ee Nili.

Hooyo Sawir Awood Badan Oo Laga Qaaday Saamayn Yeeshay

Waxay sheegtay in aanay doonayn in ay waxbarashadeeda ka hadho, islamarkaana hammigeedu yahay dhakhtarnimo ay ugu adeegto bulshadeeda. Waxay sheegtay in aanay hadda ka hor u suurto galayn in ay jaamacad gasho duruufo dhaqaale darteed maaddaama ay tahay beeralayn quutal daruurigooda la soo baxa.

Markii arrinteedu soo shaac baxday ee baraha bulshada iyo saxaafaddu tabisay ayay dadka degaankeedu u sheegeen in sawirro laga qaaday xilligii Imtixaanka lagu faafiyay baraha bulshada waxaanay sheegtay in ay arrintaas ka qajishay.

Urur dhalinyaro oo reer Afganistan ah ayaa bilaabay olole dhaqaale ururin ah oo ay baraha bulshada ka bilaabeen si ay u kafaalo qaadan lacagta Xamadi kaga baxaysa Jaamacadda waxaanay ilaa hadda ururiyeen afar iyo toban kun oo dollar($14000).

Mar wax laga waydiiyay xaaladdeeda xilliga ay imtixaanka ku jirtay waxay sheegtay in ay xoogga saaraysay dejinta ilmaha yar si aanu u qasin dadka Imtixaanka ku jirana dhanna ka jawaabaysay su’aalaha imtixaanka. Waxay gudubtay imtixaanka ay jaamacadda ku galaysay.

Zahra Yagana oo ah haweenay u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka ayaa sheegtay in ay la xidhiidhay Jahantab Ahmadi islamarkaana ku qancisay in ay timaaddo magaalada caasimadda ah ee Kabul si ay halkaas waxbarashadeeda uga sii wadato. Waxay sheegtay in waxbarashada ay hadda wadda tahay mid ku adkaanaysa maaddaama ay masaafo dheer tahay sidaas awgeedna ay qorshaysay in ay hoygeeda kafaalo qaado si ay caasimadda wax ugu barato.

Image may contain: one or more people

Waxa shaqo loo raadinaya sayga Ahmadi sidoo kalena loo ururinaya lacag ubadkeeda iskuulka lagu geeyo, waxaanay arrimahani taageerayaan riyooyinkeeda ah in ay waxbarato kadibna bulshadeeda waxtarto.

Sources

Nursing Afghan Student-To-Be Passes Test In The Global Eye

Afghan mum cradling baby during university exam goes viral

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here