“Hooyaday iyo aabbahay ma wada joogaan, walaalahay qaar baa iga yaryar,”

0
589 views

“Hooyaday iyo aabbahay ma wada joogaan, walaalahay qaar baa iga yaryar,”

Tobankii habeennimo aniga oo xaflad bandhig buug ahayd ku habsaamay, ayaan u soo kacay goobta laga raaco gawaadhida iyo tikaha bal si aan mid aan kiraysto ugu gaadho. “Waar soco waryaa. Waar naga tag dibjiryahow hooyadaa waxaa ku sameeyee”. Waardiye askari ah oo qorina siyaa hortayda tukhaantukhinaya wiil yar oo dah ahaan 6 jir ah. Kan yar wuxuu ka soo saaray kaaryoomadan inta kabadh ama biro lagu xidho dharka iyo alaabada kale lagu dul iibiyo oo laga rawaxay dhexdooda. Tolow ma aad halkan u hoyatid buu islahaa? Markaan soo gaadhay ayuu ilmihii yaraa si aan ka naxay iigu yidhi “Eeddo shan boqol i sii”. Sida sawirka ka muuqata labada gacmood mid girgire ayuu ku sitaa, ta kalena bac uu sharaabka isku darka la yidhaahdaa ku jiro. Waan u istaagay oo xoogaa ka warreystay sababta xilligan uu suuqa la wareegayo, inay aqal leeyihiib iyo in kale, waalidkii iyo wuxuu lacagta ku falayo.

"Hooyaday iyo aabbahay ma wada joogaan, walaalahay qaar baa iga yaryar,"

“Hooyaday iyo aabbahay ma wada joogaan, walaalahay qaar baa iga yaryar, waxaan meelahaa ka dawarsado iyo waxaan soo helo ayaan habeenkii u geeyaa. Anigu xilligaa maan cashaynnin xataa”. Intaan naxay ayaan soo kaxeeyey oo labaatan kun u soo sarrifay, dabadeedna aan soo saaray tig aan gurigii u raacayey. Waxaan weyddiiyey gurigoodu meesha uu ku yaallo, halkii uu ii tilmaamay ayaannu kaga degnay tigtii. Walow uu iga shakiyey oo is yidhi gabadhu tolow miyay ku qaadanaysaa, muran badan iyo sasabaad ka dib aabbihii buu ii geeyey. Markaan odaygii salaamay ee aan ka waraystay duruufta iyo xagtii wiilka yari i siiyry waxa jira iyo xaaladdooda, wuu iga yara meermeeray. Dad jaarkiisa ah oo duruuftiisa ogaa ayaa se ii sheegay oo isna ku canaantay inuu runta ii sheego.

"Hooyaday iyo aabbahay ma wada joogaan, walaalahay qaar baa iga yaryar,"

“Gabadh hore oo aan qabay ayaa iga dhimatay muddo ka hor. Gabadh kale ayaan guursaday, lix carruur ah ayaanay ii dhashay. Tii danbana sannad ka hor ayay tahriibtay. Inankan aad arkayso laba hablood oo ka waaweyn waxa haysa inan weyn oo aan dhalay oo la qabo oo iyada lafteeduna iska duruufaysan. Anigu wastaad baan ahaan jiray, laakiin gabaw iyo gacan aan ka jabay ayaan u shaqaysan kari waayey. Wiilkan mid shan jir aha ayaa ka yar oo illaa xilligaa aan weli soo haynnin. Laba kale oo midna laba sano jiray, midna saddex sannadoodna aniga ayaa haya oo haddeer baan soo seexiyey aqalka. Guriga uu sheegayo dushiisa ayaad ka naxaysaa, gudihiisana waad ilmaynaysaa. Shaw aqallada haweenka ayaa bila. Wax aan u hayaa ma jirto caawimaadda jaarka mooyaane. Si allaale si aan u galo, iyo cid iga haysaana ma jirto. Labadaas ciyaal ahi waxa ay soo,

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here