Hoggaamiye Xirsi Oo Dhalliilay Madaxweyne Biixi

0
649 views
Hoggaamiye Xirsi Oo Dhalliilay Madaxweyne Biixi

Hoggaamiye Xirsi Oo Dhalliilay Madaxweyne Biixi

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhalliilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in aanay ahayn in uu baaq nabadeed ka diro colaadda Ceelafweyn laakiin, ay ahayd in uu tallaabooyin qaado.

Hoggaamiye Xirsi ayaa macno darro ku tilmaamay dagaalka dadka ehelka ah ku dhexmaray degmada Ceelafweyn waxaanu sheegay in qofka Islaamka ah dhiiggiisu culus yahay loona baahan yahay in la joojiyo colaadda.

“Xukumaddii dalka loo doortay, madaxweynihii dalka hoggaaminayay, waxa masuuliyiinta Qaranka loo doorta in ay dadka hoggaamiyaan oo ilaaliyaan. In ay dhibta ka ilaaliyaan oo dhibta ay isu gaysanayaan ka ilaaliyaan, wax kasta oo barwaaqo iyo badhaadhe la gaadhana iyaga masuuliyadda qaada oo hor kaca, wax kasta oo dhib timaaddana iyaga ka masuul ah oo dhakada ku qaada. Waxaan leeyahay madaxweynaha iyo xukumadda oo baaq jeedinayay baaq kuma filna.

Baaq la idiinkuma diran ee waxa la idiin dirtay in aad gacmaha qabataan oo dhibta joojisaan, aad baan uga xumaha in iyada oo soo noqnoqotay waxa la qabanaya aad u yar yahay. Waxay ahayd halka shalay madaxweynuhu baaqa ka jeedinayay in uu baqoolo oo tago oo fadhiisto oo amro oo qabqabto oo awoodda Qaranka u isticmaalo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xirsi.

Hoggaamiye Xirsi wuxuu sheegay in gacan adag lagu qabto xiisadda taaggan, islamarkaana aan xisbiyo iyo xukumad loo kala hadhin laakiin, masuuliyadda koobaad saaran tahay xukumadda oo umaddu dooratay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.