Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Jawaabay Eedaynta Xisbiyadda Mucaaradku U Jeediyeen

0
2 views

Hargeysa(Sayruuq)-Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa ka jawaabay erayo ka soo yeedhay mucaaridka kuwaaso xukuumadda iyo xisbiga kulmiyeba ku tilmaamey qaar kaga baxeyey balamo ay lahaayeen shalay  , Hogaanka Kulmiye ayaa sheegay inaanay jirin Ballan ay Mucaaradka la lahaayeen oo ay kaga baxeenBallan ahayd in lagaga wada hadlo Muranka Diwaangalinnaha.

Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Kulmiye diyaar u yahay Wada hadalka Arimaha doorashada balse aanay jirin Ballan rasmi ah oo dhex martay Mucaaradka “Waxaa jirtay Inay Shalay Galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen laakiin, anagu waxaanu u soo jeedinay inay arintu degdeg tahay sidaas darteedna aanu Xisbi ahaan iska arkayno. Islamaanu meel dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta lagu kulmayo midna.waxay xalay soo saareen Eedayn ah inaanu kaga baxnay Ballan” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Gudoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Xisbiga Kulmiye waxa uu Umadda u caddaynayaa inuu diyaar u yahay Wada hadalka.waxa uu Kulmiye isagoo danaynaya Maslaxadda Umadda, In Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo iyo In Asxaabta taladoodu isku dhamaato in wada hadal lagu dhameeyo wixii jira”
Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in Hogaanka Kulmiye Oo Xukumaddu u soo igmatay Wada hadal ku saabsan Muranka Diwaangalinta ay kaga baxeen Kulan ku dhex mari lahaa Hotelka Ambasador.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here