Hogaamiyihii Ugu Horeeyey Ee Somaliyeed Oo Hambalyo U Soo Diray Madaxweyne Farmaajo

0
115 views

Jabouti(Sayruuq)-Mid ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Somalida xukuma ayaa waxaa uu hanbalyadii ugu horeysay u soo diray madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Madaxweynahan ayaa waxaa uu yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Muddane Ismaciil Cumar Geele waxaana.

Muddane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo isbedelka ka dhacay hogaanka dowlada Somalia, wuxuuna xusay in doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho ay astaan u tahay in Somalia ay cagta saartay wadada Dimoqraadiyada iyo horumarka.

“Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ALLE subxaana watacaalaa uga baryayaa inuu waajibaadkiisa la garab galo, noqdana mid ummadda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale waxaa uu ugu madaxweyne Geele ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan madaxweynaha cusub, isagoo balan-qaaday in dowladiisa ay taageero iyo wada shaqeyn walaalnimo u muujin doonto madaxweyne Farmaajo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.