Heshiiskii Ceelafweyn Oo Lagu Baaqay In La Fuliyo

0
232 views
Sheekh Ismaaciil Dheeg Oo Fashiliyay Cida Wada Xeerka Kufsiga

Heshiiskii Ceelafweyn Oo Lagu Baaqay In La Fuliyo
Hargeysa(Sayruuq) Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ah afhayeenka guddidii soo afjartay colaaddii u dhexeysay beelaha wada dega Ceelafweyn ayaa walaac ka muujiyay dil dhawaan ka dhacay aaggaasi. Waxa uu sheegay in guddi ahaan ay ku talinayaan in qodob ka mid ah heshiiskii labada beelood lagu fuliyo qofkii gaystay dilka dhawaan dhacay.

Afhayeenka guddidu wuxuu sheegay in ay ka murugaysan yihiin dhacdadan cusub waxaanu sheegay in ay si gaar ah dareenka u taabanayso in hooyo lagu dilay halkaasi. Waxa uu tacsi u diray ehelada iyo awlaadda ay ka tagtay haweenayda oo ku baxday gacanta mid ka mid ah beelaha la heshiisiiyay.

“Haddii ay wax dhacaan, sidii ballanku ahaa waa in loo arko dhacdadaas iyo jarriimada uu qof gaystay, wixii uu qof gaysto in Qaran ama beel la huwiya arrin khaldan weeye. Beeli qof ma wada disho mana wada dilin, marka qodobkaasi aad iyo aad buu muhiim u yahay oo waa in falkaasi ku koobnada qofkii dhibaatada gaystay. Dhinaca kalena waa in uu ku koobnaada qofka ay dhibtu gaadhay iyo dhibbanaha oo aan laga dhigin in qabiil, beel ama degaan dhib la gaadhsiiyay,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Dheeg.

Waxa uu farriin u diray sheekhu beesha dhibta gaysatay “ Waxaanu u soo jeedinayna waxgaradka, cuqaasha iyo salaaddiinta dhinaca dhibka gaystay iyo dawladdaba in qofkaas dhibka gaystay caddaaladda la hor keeno, waxaanu soo jeedinayna in dhinaca uu ka soo jeedo qofka dhibta gaystay aanay dhinac la noqon qofka dhibta gaystay ee laga soo horjeesto oo sidii aynu ku heshiinay dhammaanteenba gunaanadkii shirkaasi ciddii dhib gaysata gees laga wada noqdo dawladda iyo ehelka qofka wax gaystayba ay gacanta ku soo qabtaan qofka dhibta gaystay caddaaladdana la hor keeno, arrintana la dejiyo oo la qaboojiyo, arrintana sidii hore loogu heshiiyay in laba bilood kadib sidii lagu heshiiyay heshiiska saxeexdiisa dib la isugu soo noqdo oo wixii dhaawac ahaa iyo wixii xaalxaal ah la dhammeeyo,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Dheeg.

Waxa uu intaasi raaciyay “ Dhibtaas iyo dhibaha laga soo sheegayo gobolka Sool waxaanu ku talinayna in aan lagu degdegin dhiigga qofka muslimka ah.”

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.