Heshiiska Itoobiya & Jabuuti Ma Samayn Doona Berbera?

0
810 views
Heshiiska ItaSidee Itoobiya Isu Wadaysa Xidhiidhka Jabuuti & UAE?oobiya & Jabuuti Ma Samayn Doona Berbera?

Heshiiska Itoobiya & Jabuuti Ma Samayn Doona Berbera?

Laanta Afka Axmaariga ee warbaahinta caalamiga ah ee dawladda Jarmalka Deutsche Welle(DW) ayaa baahisay in dawladda Jabuuti jawaab toggan oo ogolaansho ah ka bixisay dalabka dawladda Itoobiya ee ah in ay dekeddaha Jabuuti saami ku yeelato. Kulan sare oo shalay dhexmaray ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa midhaha ugu weyn ee ka soo baxay lagu sheegay dalabka Dr Abiy ku doonaya in wada jir labada dawladood u maamulaan dekedda Jabuuti.

Danjiraha Itoobiya ee dalka Jabuuti Shamebo Fitamo Adebo ayaa warbaahinta DW u sheegtay in arrintan ay si furan uga wada xaajoodeen labada hoggaamiye. Waxa ay sheegtay in ay dawladda Itoobiya ka heleen jawaab togan oo ogolaansho ah, islamarkaana madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in uu degdeg arrintaas u dardar gelin doono.

Waxa uu sheegay in arrintan guddi loo saarayo taas oo qiimaynaysa dalabka Itoobiya. Arrimaha la eegayo waxa ka mid ah in deked cusub oo Itoobiya qayb ka tahay la dhisayo iyo in kuwa jira saami laga siinayo waxaana la eegi doona arrimaha ay labada dhinac soo bandhigaan.

Dr Abiy Oo Geelle Waydiistay In Saami Laga Siiyo Dekedaha Jabuuti

Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan saami dhan 19% laga siiyay maamulka dekedda Berbera. Xukumadda Somaliland ayaa sababta ku sheegtay si Itoobiya u noqoto macmiilka ugu weyn ee isticmaala dekedda Berbera.

Arrimaha la tixgeliyay waxa ka mid ah in Itoobiya qayb ahaan soo wareejiso ku tiirsanaanteeda dekedda Jabuuti oo ay hadda si buuxda ugu tiirsan tahay si taas loo helana lagu maslaxay saamigan maaddaama aanay dhisnayn kaabeyaasha isu socodka ee Somaliland iyo Itoobiya halka Jabuuti iyo Itoobiya si fiican isugu xidhan yihiin.

Dalabkan degdegga ah ee ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya iyo madaxweyne Geelle isla soo qaadeen ayaan la ogayn in uu dhanka Jabuuti ka yimid iyo in Itoobiya ula tagtay laakiin, waa mid loo arki karo in Jabuuti doonayso in ay ku sii haysato isticmaalka dekedda ee Itoobiya waxaana suuro gal ah in ay saamayso dekedda Berbera ee horumarkeedu hadda bilawga yahay, islamarkaana aan jidka Berbera Coridor cidi ogayn qorshihiisa goorta la bilaabayo.

Source:Ethiopia has asked for a portfolio of ports in Djibouti

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.