“Heshiiska DP World Waa 2 Qodob Uun,” Dr Sacad

Wasiir Sacad wuxuu sheegay in ay ballan qaad uun ahaayeen arrimo xukumaddii hore sheegi jirtay in Imaaraadku ka hirgelin doono Somaliland

0
829 views
Somaliland Oo U Jawaabtay Madaxda Somalia

“Heshiiska DP World Waa 2 Qodob Uun,” Dr Sacad
Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in heshiiska sharciga ah ee Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka ee DP World ahaa laba qodob oo kala ah in shirkaddu dhisto suuqa ganacsiga xorta ah(Free zone) iyo balaadhinta dekedda Berbera, waxaanu waxyaabo iska ballanqaad ah uun ku tilmaamay waxyaabo xukumaddu si weyn bulshada ugu sheegi jirtay oo ahaa in Imaaraadku Somaliland ka taageerayo kaabeyaasha dhaqaalaha sida: jidadka iyo maalgalinta arrimaha bulshada.

Xukumaddii madaxweyne Siilaanyo ayaa ku celcelin jirtay in waxa ay Somaliland dekedda ku bedelatay tahay in Imaaraadku taageero ama maalgalin ku samaynayo dhinacyada Tamarta, Beeraha, Dalxiiska, shaqaalaha, gaadiidka iyo dhanka warshadaha ee Somaliland waxaana masuuliyiinta arrintan baarlamaanka iyo meelo kale ka sheegay ka mid ahaa wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad oo barmaamijka Hal Adayg ee telefishanka Horn Cable lagu waraystay waxa uu u muuqday mid aan hayn wax muuqda oo uu ka sheego waxa ay dekedda ku soo kordhisay shirkadda Dp World waxaanu sheegay in fulinta arrimahaasi ahaayeen ballanqaad ay xaq u leeyihiin fulintooda iyo in ay ka baxaan, halka labada qodob ee sharciga ahna yihiin kuwo wakhti qaadanaya.

“Heshiisku waa laba oo mid sharci ayaa ku xidhaya iyo shuruud midna waa ballanqaadyo, marka ballanqaadka waa la oofin kara ama lama oofin karo oo isaga wax sharci ah oo ku xidhaya ma jiro laakiin, heshiiska sharciga ah waa laba qodob; waa heshiiska dhismaha balaadhinta dekedda iyo samaynta Free Zone,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka waxa la waydiiyay in wax ka fuleen ballanqaadyada Imaaraadku sameeyay ee uu hore bulshada ugu sheegay waxaanu yidhi “DP World intii ay joogtay dekedda Berbera lacag ilaa lix boqol oo kun dollar ah ayay galisay arrimaha bulshada sida: iskuullada, masaajidada..,” hase ahaatee wasiirka oo la waydiiyay meelaha ay yihiin adeegyada lacagtaasi gashay ma uu xusin waxaanu sheegay in lacagahaas loo isticmaalay dayactir uun.
Wasiir Sacad waxa uu sheegay in bisha soo food leh ee October la bilaabi doono dhismaha balaadhinta dekedda Berbera.
Dawladda Imaaraadka oo Saldhig Militari laga siiyay magaalada Berbera, islamarkaana maamusha dekedda ayaa laga filayay in ay wax weyn ka bedesho dekedda, islamarkaana qayb laxaad leh ka qaadato dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo xuduudka Itoobiya ee Wajaale laakiin, wali ma hirgelin arrimahaasi.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.