Heshiiska Addis Ababa iyo Asmara Dakadaha Berbera iyo Djibouti

0
333 views
Duufaanta Geeska: Isbedello Iyo Isdiidooyin

Heshiiska Addis Ababa iyo Asmara Dakadaha Berbera iyo Djibouti iyama ayuu saameyn dhaqaale Mustaqbalka dhaw ku yeelan kara?

Heshiiska taariikhiga ah ee Itoobiya ay la gashay dalka dekedaha leh ee ay dhaqan, taariikh, Af iyo feker wadaagga yihiin ee Eritrea muxuu yeeli karaa dekedaha ay heshiisyada kula jirto ee ku yaal dalalka jaarka, gaar ahaan Jabuuti iyo Somaliland?

Su’aasha tan waa mid ay iswayddiiyaan dad badan oo reer Somaliland ah. Sidoo kale waxa ay iswayddiin u tahay dadka reer Jabuuti oo dagaal diblomaasiyadeed furimo dhawr ah kaga jira. Halka mid addin ah ay kula jireen dalka Eritrea tan iyo 10 bishii Juun 2008 ka dib murankii dhuleed ee deegaanka Doumeira.

Yaaney faalladu inna la fogaan e, aan si kooban u iftiimiyo heshiiska cusub ee labadan dal (Itoobiya & Eritrea) xajmiga khasaare ee uu ku keeni karo dekedaha Jabuuti iyo Berbera.

Itoobiya waxa ay la soo degtaa xoolo dhan $18 bilyan sannadkii. Sidoo kale waxa ay dhoofisaa xoolo gaadhaya $3.13 bilyan. Maanta xoolaha intaa le’eg 95.6% waxa ay maraan hal deked keliya- waana Jabuuti.

Lacag ahaan waxa ay Jabuuti heshiiskan adeegga dekedda ee dhoof iyo soodejin ka faa’iddaa lacag dhan $1 bilyan sannadkii. Marka uu arrin sidaa yahay heshiis wal oo ay Itoobiya deked kale la gasho waxa uu xagal-daac dhaqaale ku yahay Jabuuti.

Haddaba, haddii Itoobiya la gasho heshiisyo isticmaal oo dhanka adeegga dekedahaha dalalka jaarka la ah sida Somaliland, Eritrea, Suudaan, Kenya iyo Jabuuti oo ay kula jirto heshiiska ugu weyn sidee ayaa loo kala badsanayaa amma sad ahaan loo kala helayaa?

Jawaabtu waxa ay tahay; marka aad rabto in aad ogaato halka uu yaal xoogga waxsoosaar ee wax dhoofinta iyo isticmaalka la soo degista badeecadeed waa hadba halka ay jirto tirada bulshada oo leh xoogga waxsoosaar.

Sidoo kale waxa iyana mihim ah agabka jira; sida dhismaha xajmiga dekedaha iyo jidadka casriga ah ee isku xidha dalalka oo aynnu ka war qabno in wakhtigan ay Jabuuti aad ugu horrayso.

Halka Eritrea, Kenya, Sudan & Somaliland aaney haysan agab casriga ah oo suuro-gal ka dhigi kara tartan dhakhso ah iyo baratan hadda ah oo ay Jabuuti ku calaf seejin karaan. Waxase la ga hadlayaa ma aha maanta ee waa mustaqbalka iyo sida uu xaal noqon karo toban sano ka dib.

Waxa intaa soo raaca dhulka inta leh nimcada waxsoosaar ee khayraadku fadhiyo ee wax la ga dhoofiyo. Waana sidaa sida ay runtu ku soo bixi karto ee aad ku ogaan karto cilaaqaadka iyo heshiiska cusub ee Eritrea iyo Itoobiya saameynta uu Berbera iyo Jabuuti ku kala yeelan karo iyo weliba dheefta dekedaha dalalka kale ee jaarka la ah Itoobiya ay ka dheefi karaan.

Marka ay hawli halkaa joogto; dhawr shay ayaa kuu soo baxaya:-

Bal si fiican u eeg khariiradaha hoos ku lifaaqan. Tan hore waxa ay sheegaysaa jihada uu xigo dhul ka ay ku nool yihiin qoomiyadaha Itoobiya. Halka khariiradda danbe ay ku tusayso sida Jabuuti iyo Somaliland ay jaar u la kala yihiin Itoobiya iyo halka ay kaga beegan yihiin dhul ahaan qoomiyadaheeda.

Marka aad eegto dhanka Jabuuti waxa ay la jaar tahay oo marin ahaan ay dhacdaa dhulka ay degan yihiin qoomiyadaha yaryar, gaar ahaan kuwa Canfarta iyo Amxaarada oo isku geyn tiro ahaan ku noqonaya 29 milyan.

Halka ay Somaliland ka dhacdo jihada qoomiyadaha, Soomaalida, Oromada Hererida, Uraagada badi iyo qoomiyado yaryar u badan. Tiro ahaan Somaliland waxa ay Itoobiya kaga beegan tahay dhul ay deegaameeyeen qoomiyado badan oo tiro ahaan noqonaya 51 milyan.

Dhanka kale Eritrea waxa ay ku beegan tahay jiho aad ugu dhaw Jabuuti. Dhul ahaan waxa ay xuduud la leedahay qoomiyadaha Tigreya iyo Anfar. Sidoo kale jidka isku xidha dekedda Casab iyo Addis Ababa waxa intiisa badan uu soo dhex mara dhulka Amxaaradu ay degan tahay.

Marka hawli sidaa tahay heshiiska Eritrea iyo Itoobiya waxa uu 100% khatar iyo culays dhaqaale ku yahay Jabuuti oo uu la wadaago jiho dhuleed iyo qaybsi deegaan. Halka ay Somaliland iyadu jiho ahaan ku beegan tahay 51 milyan oo Itoobiyaan ah oo aan bad kale xuduud la lahayn.

Dalka Kenya waxa uu la jaar yahay deegaannada Borana iyo Konso oo Oromo ah tiro ahaanse yar oo aan ka badneyn 3.5 milyan iyo qoomiyadaha yaryar ee Gofa, Gemu iyo Welamo oo dhan 1.5 milyan. Halka Suudaan ay xigto qoomiyadaha koonfurta dega oo Gambela ay hormuud u yihiin dhinaca dhaqanka ahna qoomiyado isku gayn ahaan ka yar 4 milyan.

Waxa cad marka aad daraasadayso siyaasadda dhuleed ee Itoobiya iyo dalalka jaarka la ah, iyo sida ay u kala hororsan karaan la macaamilka ganacsi ee Itoobiya, in mustaqbal ahaan Somaliland ay meel wanaagsan oo faa’ido keen ah ay ka joogsan karto. Talo se iskuma kaa sheegto e, waa haddii shax fiican oo siyaasadeed la la yimaaddo.

Mohamed Hagi Mohamoud

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.