Heesta ‘BARBAR’ Oo Gaadhay Safaaradda Maraykanka Ee Jabuuti
Fanka waa qeyb ka mid ah nolosha Soomaalida, balse heesta Barbar way ka duwan tahay kuwii hore.
Sanad kasta waxaa lasoo saaraa boqollaal heesood oo qaarkood ay muuqaalo wataan, kuwaas oo lasoo galiyo baraha bulshada, balse kuwa saameynta weyn reeba ama laga falceliyo ma badna.
Hase yeeshee hees cusub oo la magac baxday Barbar oo uu qaaday fannaanka iyo majaajiliistaha lagu magacaabo Oomaar ee Canada ku nool ayaa baraha bulshada ka dhalisay xamaasaddii ugu saraysay ka dib markii sida muuqata ay dadka la dhaceen qeyb ka mid ah heesta.