Hay’adda Cuntada Adduunka WFP Oo Ka Cabatay Adeegga Dekedda Berbera Kuna Qasban In Ay Dekeddaha Kale Uga Wareegto

0
49 views

Hargeysa(Sayruuq) Hay’adda Cuntada Adduunka(Worl Food Program ama WFP) ayaa warqad ay xukumadda Somaliland u dirtay dabayaaqadii bishii Ogos ee la soo dhaafay ku sheegtay in ay ku khasban tahay in ay mucaawimo badan oo uga soo degta dekedda Berbera ula wareegto dekeddaha kale ee gobolka. Warqaddan oo uu helay wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa waxa lagu socodsiiyay wasiirka Qorshaynta waxaana la ogaysiiyay wasiirka arrimaha dibada, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka maaliyadda, mana cadda in xukumaddu ka jawaabtay arrintan iyo in kale.

Qoraalka WFP ayaa u dhigan sidan:-

“Sida aad ka warqabtaan, hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobey (WFP) waxa ay ka mid tahay macaamiisha ugu waaweyn ee shixnadaha kala soo dega dekedda Berbera.
Qayb weyn oo ka mid ah shixnadahaas WFP soo mariso Berbera waa ay gudubtaa, waxa aanay ka kooban tahay cuntooyin caawimo ah oo aan loogu talogelin Somaliland oo keliya, balse sida oo kale lagu caawinayo Soomaaliya, Itoobiya iyo Yemen oo ay dadkoodu khatar u yihiin macalluul iyo nafaqadarro. Sidaa awgeed, WFP shixnado cunto ah oo aad u badan, ayaa ay kala soo degtaa Berbera oo ah xuddunta ugu muhiimsan gobalka ee hawlaha ay hay’addu waddo.

Arrimahaas awgood, waxa aanu si naxariis leh u codsanaynaa in aad noo xaqiijisaan in shixnadaha bani’aadamnimo ee hay’adda WFP uga soo dega dekedda Berbera dejinteeda mudnaan gaar ah la siin doono. Waxa kale oo aanu si naxariis leh u codsanaynaa in la yareeyo tirada maalmaha ay tahay in markabka kirada ah ee u raran WFP uu sugo in la soo xidho, gaar ahaan maraakiibta xamuulka ah ee badarka qaadda (Qamandiga/galleyda iwm) iyo maraakiibta WFP ee waqtiga go’an la soo kiraystay.

Dhowaan, xaaladda hadda ee dekedda awgeed, annaga oo aad uga qoomamoonayna, waxa aanu ku qasbannahay in maraakiibta kirada ugu raran hay’adda WFP ee sida shixnadaha ka badan 40 kun MT oo badar ah aanu kala soo degno deked kale oo aan ahayn dekedda Berbera.

WFP ahaan waa aanu ku faraxsannahay sida naxariista leh ee aad noola qirteen iyo gacanta aad ka geysanaysaan in arrintan tixgelin gaar ah la siiyo, lana sii horumariyo xudduntan gobalka iyo in la hubiyo in WFP ay sii wadi karto in ay caawimada waqtigeeda ku gaadhsiiso dadka ay u socoto oo u baahan.

Waxa aanu si naxariis leh u codsanaynaa in aad arrintan tixgelin siisaan, jawaabna waa aanu idinka sugaynaa.”

Shirkadda DP World ayaa dekedda Berbera la wareegtay bishii March ee sanadkan si ay u maamusho muddo 30 sanno ah, uguna maalgaliso lacag dhan $442, haseyeeshee cabashooyinka macaamiisha dekedda ayaa isa soo taraya. Shaqaalaha iyo ganacsatada ayaa la qabsan waayay isbedellada shirkadda waxaana masuuliyiin xukumadda ka tirsan ka soo yeedhay in aanay wax isbedel ah ka hayn dekedda oo ay ka filayeen horumar degdeg ah.

Hargeysa-Somaliland
Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.