Hay’ad Soo Jeedisay In Xadhigga Cabdi Iley Uu Bilow U Noqdo Caddaalad

0
279 views
Hay’ad Soo Jeedisay In Xadhigga Cabdi Iley Uu Bilow U Noqdo Caddaalad

Hay’ad Soo Jeedisay In Xadhigga Cabdi Iley Uu Bilow U Noqdo Caddaalad

Jigjiga(Sayruuq) – Iyadoo maalintii doraad Xabsiga loo taxaabay Madaxweynihii hore ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markiiba si deg-deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xadhiggiisa.

Warka HRW“Waxaan rajeynayaa, in xadhigga Cabdi Maxamuud Cumar uu bilow u noqdo caddaalad u raadinta dhibanayaasha iyo dembiyada culus ee ka jira gobolka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa in ay madaxda federaalku hubiyaan in maxkamdeyntu noqonto mid hufan, markhaatiyaashuna awood u heli karaan iyaga oo aan cabsan inay ka hadlaan gefafkii dhacay…” ayaa lagu yidhi, Warbixin ay soo saartay hay’addu Shalay.

Hay’adda ayaa hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidammada Liyuu Booliiska ee gobolka ku eedeysay in ay ku kaceen gabood-falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay ka codsatay dowladda dhexe ee Itoobiya in arintaa tallaabo deg-deg ah laga qaado.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in uu rumeysan yahay in masuuliyiintii hore ee Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ciidammada ay dil iyo jidhdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana loo horkeeni doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xidhiidh weyn iyo gacan-saar dhaw-ba la lahaa xukuumaddihii hore ee Itoobiya, hasse ahaatee waxaa muuqatay in uu la jaan-qaadi waayay maamulka cusub ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed iyo isbadallada guud ahaanba ka socda dalka Itoobiya, taasoo soo kicisay xanuunka nabaro horey u jiray.

Sayruuqnews.com

Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.