Hay’ad Ka Walaacsan Qaabka Madaxweynuhu U Xulay Komishanka Xuquuqal Insaanka

0
270 views
Hay’ad Ka Walaacsan Qaabka Madaxweynuhu U Xulay Komishanka Xuquuqal Insaanka

Hay’ad Ka Walaacsan Qaabka Madaxweynuhu U Xulay Komishanka Xuquuqal Insaanka

Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu eedeeyay in aanu hab daahfuran oo sharciga waafaqsan u raacin magacaabidda xubnaha Komishanka xuquuqal Insaanka Qaranka oo uu dhawaan magacaabay. Waxa loogu baaqay in uu dib u eegis ku sameeyo, islamarkaana sharciga raaco.

Hay’adda Human Rights Center ee fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa qoraal ay soo saartay u dhigna sidan:-

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka walaacsan tahay qaabka loo xulay xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland.

3dii July 2018 waxa madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu magacaabay xubnaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha.

Xaruntu waxaay si dhow ula socotay hanaanka xulista si loo xaqiijiyo in loo maro qaab waafaqsan Xeerka Komishank Xuquuqal Aadanaha iyo Mabaadida Baariis (Paris Principle). Mabaadida Baariis (Paris Principle) waa mabaadi ay Qaramada Midoobay u dhigtay qaabka loo xulayo iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha qaran ee xuquuqal insaanku.

Hanaanka xulistu ma ahayn mid daah furan oo loo maray si waafaqsan Xeerka iyo Mabaadida Baariis (Paris Principle).

Waxaanu aad uga walaacsanahay maqnaashaha daah-furnaanta iyo in la iska baal maray habka iyo shuruudaha sharcigu dhigay.

Gudi qaran oo xuquuqal insaan oo madax-banaan islamarkaana dhex-dhexaad ahi wuxuu ka ciyaaraa door muhiim ah kobcinta iyo ilaalinta xuquuqal insaanka.

Talo-soo jeedin

Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi inuu dib u eegis ku sameeyo magacaabista oo uu dabaqo Mabaadida Baariis (Paris Principle) si loo abuuro gudi qaran oo madax-banaani iyo dhex-dhexaadnimo leh.

Waxaanu u soo jeedinaynaa Golaha Wakiilada inay raacaan Mabaadida Baariis (Paris Principle).

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.