Hay’ad Caalami Ah Oo Somaliland Dhalleecaysay

0
733 views
Buurmadow Oo Ka Hadlay Mawqifka Beeshiisa Ee Dhexdhexaadinta Ceelafweyn
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Hay’ad Caalami Ah Oo Somaliland Dhalleecaysay

Hargeysa(Sayruuq) Hay’ad Caalami ah ayaa sawir xun ka bixisay jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana dhulka la sintay xorriyatul qawlka Somaliland ee xilligan. Hay’adda ayaa soo qaadatay xukunnada lagu riday Boqor Cismaan Buurmadow, Maxamed Kayse Bigeeye, Naciima Qorane iyo Suxufiyiin kale.

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqal Iisaanka Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay daabacday ku sheegtay in Somaliland dadka ku xidhxidhaysa cabiraada rayigooda, islamarkaana aan fikrad laga dhiiban karayn arrimaha lagu muransan yahay.

“Somaliland xukunno is daba joog ah oo lagu beegsanayo dadka ka hadla arrimaha la isku khilaafsan yahay waa weerar halis ah oo lagu soo qaaday xorriyatul qawlka,” Sidaas ayay tidhi Human Rights Watch oo sheegtay in arrimahan loo xidhay Naciima Qorane iyo Boqor Buurmadow.

“ Somaliland Waxa soo ururaysa Baaxadda lagu naqdin karo arrimaha socda ee xukumadda ka dhanka ah, iyada oo xukumaddu xukun dambi ku qaadayso si naqdinta loo aamusiiyo,” Sidaas ayuu yidhi Laetitia Bader oo ah sarkaal sare oo Human Rights Watch u qaabilsan dhinaca cilmi baadhista Africa.

Tallaabooyinka lagu xukumayo dadka rayigooda lagu haysto ayay Human Rights Watch sheegtay  in ay sawir xun ka bixinayaan Somaliland waxaanay ku baaqday in meesha laga saaro xeer ciqaabeedka la meelmariyay sanadihii 1964, islamarkaana ay xukumaddu ka waantowdo in dadka loo xidho waxa ay la tahay.

Source: Somaliland: Prosecutions Threaten Free Expression

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.