Haweenka Oo Ka Dareen Celiyay Magacaabista Madaxweyne Biixi

0
345 views
Haweenka Oo Ka Dareen Celiyay Magacaabista Madaxweyne Biixi
Madaxweynaha Somaliland

Haweenka Oo Ka Dareen Celiyay Magacaabista Madaxweyne Biixi

Madaxtooyada Somaliland looga arrimiyo ayaa shalay laga magacaabay ku dhawaad 30 masuul oo ka shaqayn doona hay’addaha dawladda iyo madaxtooyada. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay 24 masuul agaasimeyaal guud u badan sidoo kalena safiir iyo guddoomiyeyaal gobol iyo hay’adeed ku jiraan. Agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile ayaa isna agaasime waaxeedyo u magacaabay qasriga madaxtooyada looga taliyo.

Masuuliyiintan tirada badan ee madaxtooyada laga magacaabay ayaa laga dhex waayay haweenka taasna waxay soo dedejisay in haweenka waxbartay markiiba si degdeg ah uga dareen celiyaan, islamarkaana baraha bulshada kaga hadlaan sida ay uga xun yihiin talada raggu maroorsaday iyo sida madaxweynuhu indhaha uga laliyay haweenka.

Hablaha mawqifkooda ku muujiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in ay amakaag ku noqotay madaxda badan ee la magacaabay oo rag sooc la ah, islamarkaana ay caddaalad darro u arkaan iyaga oo madaxweynaha ugu baaqay in uu tixgeliyo haweenka waxbartay.

Madaxweyne Biixi waxa uu hore u sheegay in aanay arjiyada haweenka ee xil doonka ahi soo gaadhin, islamarkaana aanu arag cid sidda. Waxa uu sheegay in raggu inta badan sido CV-yada ragga hablaha waxbartayna aanay iman madaxtooyada xishoodka awgeed.

“Hablaha Somaliland waxay u qalmaan in loo magacaabo jagooyinka sarsare ee dawladda sida agaasimeyaasha guud. Waxaan rajaynaya in madaxweynuhu niyadda ku hayn doono isku bedelada dambe ee uu samaynayo oo ay hablaha waxbartay iyo kuwa kartida leh safka hore noqon doonan,” Sidaas waxa boggiisa Twitterka ku qoray Maxamed Barawaani madaxa fulinta dallada ururada bulshada ee SONSAF.

 

 

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here