Haweenay Boqolaal Dumar Ah Uur Macmal Ah U Samaysay

0
106 views

Haweenay Boqolaal Dumar Ah Uur Macmal Ah U Samaysay ayaa lagu xidhay dalka Guinea. Booliska Waddanka Gini ayaa sheegay in N’na Fanta Camara oo dhakhtar dhaqameed ahi boqolaal dumar ah u samaysay Uur aan jirin kadib markii ay siisay dawo dhaqameed caloosha dibirinaya una sheegtay dumarka in ay uur leeyihiin.
Ms Camara ayaa qofka ay dawaynayso ka qaadaysay 33 Doollar iyada oo dalka celcelis ahaan mushaharka bishii la qaato ka yar yahay 50 doollar. Booliska ayaa aamminsan in gabadhani kumanaan dollar bishii soo xarayn jirtay laakiin, iyadu waxay ku doodaysa in ay dadka uun caawin jirtay. Dumar ay arrintani saamaysay ayaa mudaharaad la hor tagay xabsiga ay ku xidhan tahay.
“Hal sanno ayaa laga jooga markii u horaysay ee aanu gabadhan u tagnay. Markii u horaysay ee aanu u tagnay waxay na siisay xogaa dawo ah oo geedo iyo caleemo ah taas oo keentay in aanu ku matagno. Waxay noo ballanqaaday in dawadaasi noo fiican tahay. Marka qofku sii wado dawadan ba waxa sii waynaanaysa caloosha. Mar labaadkii aanu ku noqonay way na baadhay iyada oo caloolahayaga taabanaysa waxaanay ku dhawaaqday in aanu uur leenahay,” Sidaas BBC-da u sheegtay haweenay ka mid ah kuwa Salaasadii mudaharaadka sameeyay.
Haweenayda ayaa intaas ku dartay in markii loogu bushaareeyay uurka ay abaal gud siiyeen Ms Camara si ay ugu mahad celiyaan. Dumarka qaar ayaa sheegay in ay 12 ilaa 16 bilood baxnaaninayeen uurka loo sheegay. Haweenayda hadashay waxay intaas ku dartay in dhakhtar dhaqameedku u sheegay in aanay dhakhtar u tagin dumarkan uurka loogu bushaareeyay.
Waaxda caafimaadka ee booliska ayaa baadhay ilaa 47 dumarka dawada isticmaalay ah waxaanay sheegeen in dhib ay ka soo gaadhay dawada la siiyay laakiin, Ms Camara waxay ku adkaysanaysa in aanay wax khaldan samayn “Waxaan u shaqeeyay si adag si aan u caawiyo dumarka oo aan ugu xaqiijiyo riyadooda laakiin, wixii kale waxay ku jiraan gacanta Illaahay,” Sidaas ayay wariyeyaasha u sheegtay Camara.
200 oo dumar ah ayaa mudaharaad la horyimid saldhiga booliska iyaga oo cabasho ka qaba gabadhan. Waxa la rumaysan yahay in ay ilaa 700 dumar ah qaateen dawada uurka ee Ms Camara, taas ayaa muujinaysa sida bulshada Gini iyo guud ahaan Afrika ugu tiirsan tahay dawo dhaqameedka ama cilaajyada.
2006 ururka caafimaadka adduunku wuxuu sheegay in 80% bulshada Afrika ku tiirsan tahay dawo dhaqameed.
Gabadhan ayaa la filaya in ay maxmadi si degdeg ah xukun ugu rido iyada oo lagu haysto in ay nolosha dadka halis galinaysay iyada oo hab been abuur ah isticmaalaysa.
Dumar dawada qaatay
Source BBC.com

Sayruuqnews
Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.