Hargeysa: Basas Waddo Xumo U Joojiyay Shaqada

0
259 views
Hargeysa: Basas Waddo Xumo U Joojiyay Shaqada

Hargeysa: Basas Waddo Xumo U Joojiyay Shaqada

Hargeysa(Sayruuq):-Basaska waaweyn ee qaada dadka shacabka ah isla mar ahaantaana ka shaqeeya degmooyinka Maxamuud Heybe iyo Maxamed Mooge, ayaa sheegay in ay saaka shaqo joojin u sameeeyeen sababo la xidhiidho waddo-xummooyin ay sheegeen in ay ku soo jireen sannaddii u dambeeyey isla mar ahaantaana ay dawladda hoose ee Hargeysa wax ka qaban weydey.

Xasan Kaam Liibaan oo ka mid ah wada-yaasha basaskaasi oo la hadlay Wargeyska Waaberi, ayaa sheegay in gebi ahaan ba ay go’aansaddeen in aanay shaqeynin maalmaha soo socda, waxaana uu carabka ku dhuftay in muddo dheer ay la soo dhibbaateysnaayeen wadadaasi.

“Basaska waanu iska xareynaynaa oo Geerashyaddaas baanu dhigeynaa walaal, anagu magaalada car-qaladeyn kari meyno se gaadiidkayaga ayaanu iska dhiganeynaa oo shaqadaanu joojineynaa, waxa aanu ka cabaneynaa na waa cabatinkaa umadda ku wada dhacaaya, waxa aanu ka cabaneynaa waa waddo la’aan oo wadada xagga dambe ka marta Saldhigga New Hargeysa ayaanu marnaa anaga oo ah basaska u shaqeeya degmooyinka Maxamuud Heybe iyo Maxamed Mooge, markaa walaalo muddo dheer baanu u so cabaneynay dawladda Hoose oo ay cabashadayada wax ka qaban-weyday oo aanu intaas ka baryeyna dariiqaa aanu marno ee dooxa ka dambeeya Saldhiga New Hargeya in na laga dhiso se dheg ba jalaqa way noosiin waayeen, waxaana aan idiin sheegayaa in aanu sidaas beri go’aan ku gaadhnay oo aanan runtii shaqeyn doonin maalmaha soo socda. “. Ayuu yidhi Xasan Kaam Liibaan

Md.Xasan Kaam Liibaan oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Arrimaha noocan ahna runtii cidda lihi waa Maayirka oo xaafadahaa kale ee magaalada ba wuu dhisaayee aan xaggan hoos u soo eegin ba, markaa walaalo dee waa dhibbaatadaa dalka ka taagan uun waxa aanu ka cabaneynaa.”.

Dadweynaha degmadan ayaa saaka shaqooyinka iyo muraadadooda ku tagay lug iyada oo qaarkoodna tagaasi qiimo sare ah u raacayaan suuuqa.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.