Hal Dawlad-Hal Cod!

0
253

Midkeena keligii kuma noola ‘meere’ u gaar ah. Waayo waxa aynu nahay bulsho dareen-wadaag ah oo is-huran, kunna qasban in ay wada-xidhiidh yeelato. Sow hore looguma maahmaahin, ‘war la helyaaba, tallo la hel.’

Hadaba, waxa aan uga gol-leeyahay qoraalkan in aan qeexin kooban ka bixiyo muhiimadda Wada-Xidhiidhka Dawladda. Wada-Xidhiidhka Dawladdu waa mid laba geesood ah- dawladda iyo shacabkeeda. Ula-jeedada laga leeyahay waa in ay dawladdu si faahfaasan ugu gudbiso muwaadiniiteeda xogta ku saabsan waxqabadkeeda, siyaasadeheeda iyo hiigsigeedaba. Waa astaan muujinaysa maamul wanaag, kanna turjumaysa dastuurkeena ku dhisan nidaamka dimquraadiyadeed.

Nasiib darro, Somaliland weli suurto-gal kama ay noqon in xukuumaddu yeelato wada-xidhiidh hufan oo u qaabysan farshaxnimo sarre. Waxa aad arkaysa dawlad qudha oo masuuliyiinta xilalka ka hayaa soo gudbiyaan farriimo kala jaad-jaad ah misna iska hor imanaya. Qaarkood waxa ay inala wadaagaan darreeno iyaga u gaar ah, qaarkoodna waxa ay soo tebiyaan farriimo aan la soo qorshayn oo haba-yaratee aanay ku matalin badanka masuuliyiinta kale ee dawladda. Tanni waa fool-xumo weyn! Waxa ayna macno-tiraysa dawladnimadeena, kanna dhigaysa meel fawdo ah oo aan lahayn kob iyo kal sugan.

Laba sanno oo aan ka hawlgalayey mashruuc lagu tababarayey shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawladda JSL, gaar ahaan arrimaha wada-xidhiidhka hayadaha dawladda, waxa ii soo baxayday baahida loo qabo in dib-u-habayn weyn lagu sameeyo wada-xidhiidhkooda. Waa qabyo weli taagan, dharaarahan danbena soo rogaal-celisay. Xukuumadda Cusub waa in ay si gaar ah isaga xil-saarto arrintan, kunna dhiirato in ay ka dhabayso hirgelinta ‘Hal dawlad oo leh Hal Cod’.

Maalin wanaagsan!

W/Q:Cabdiqaadir Askar

https://www.facebook.com/abdikadirdayibaskar?hc_ref=ARRGVCD-BcRD_UXFWOVYxJkr6AfcgQ3gn_FmOTXfeXQfBTakt-ui5eyyeWz6hAjUpX4

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here