Hal aan ka idhi Prof Cabdi Cali Jaamac “Haddii ay ku sheelaan, kartaa laysku muujaa”

0
489 views
Ma Lagu Odhan Karaa...?Prof Cabdi Cali Jaamac
Prof Cabdi Cali Jaamac

Hal aan ka idhi Prof Cabdi Cali Jaamac “Haddii ay ku sheelaan, kartaa laysku muujaa”

Horey Somalidu ugu maahmaahday “haddii lagu sheelo waa lays sheega, haddiise lagu sheego waa lays sheela” waa maahmaah guun ah oo tilmaanta inaan qofna libintiisa lagala masuugin, haddiise lagala masuugo ay u furan tahay inuu kartidiisa isku muujo qofka mudani. Intaasi araar ha iga ahaatee waxaan qoraalkaygan jeclahay inaan ku sheego kuna tilmaamo intaan ka bartey shaqsiyada barre sarre Cabdi Cali Jamac.

Cabdi Cali Jaamac maaha shaqsiyad ku cusub dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ee dalkeena, marka laga yimaad shaqadiisa macalinimo iyo soo saarka inta badan dhalinta dalkeena maanta wanaaga ka samaysay, waxase uu ahaa kuwii la bilaabay nidaam ahaan iyo fikir ahaanba, prof. Cabdi Cali Jamac wuxuu ka mid ahaa xubnihii gollaha dhexe ee lagu bilaabay xisbul xaakimka Kulmiye, haddana waxa uu ka mid noqday inuu ku soo baxo doorashadii u horeysay ee gollaha deegaanka ee Hargeisa 2002. Cabdi Cali shaqsi ahaan haddii aad barato waa qof jecel wax curinta iyo halabuurka, waa qof ku foogan in wax la soo kordhiyo isbedel daacad laga yahayna laga horseedo kolba kobta aad ku sugan tahay.

Isaga oo taa maanka ku haya Cabdi Cali waxa uu isku dayo doora u soo jeediyey in gollaha cusub la yimaado nidaam ka duwan gollayaashii hore, markiise uu arkay inaanay waxba ka soo naaso cadayn sida wax loo wado ayaa aqoonyahan Cabdi Cali go’aansaday inuu isaga huleelo gollaha oo aanu ku suntanaan ceebta iyo foolxumada gollaha ka soo socota, Cabdi Cali waxaaban odhan karaa wuxuu ahaa siyaasigii u horeeyey dalkeena gaar ahaan intaynu u guurnay nidaamka xisbiyada cusub ee isku casila danta umada ilaalinteeda iyo ka fogaanta habacsanaanta shaqo ee cadada u noqotay nidaamyada dalkeena. Macalin Cabdi waxa uu iska casilay gollihii deegaanka inkastoo guddoonkii xisbigiisu ka diideen inay booskaa soo buuxiyaan kuna celiyeen is casilaadii haddana lama sheegin meel uu kaga xaadirey ama goob joog uu uga ahaa sagaalka sanadood gollihii hore waxay kharibeen ama biiyeen waayo ” mar horuu ka afeeftay, oo go’iisa ka qaatay”

Cabdi Cali inta uu macalinka ahaa iyo inta uu shaqo qaran hayayba ma hayno taariikhda cid ka cabatay oo saxaafad ama meel kale hadal u marisay, manaynaan arag cid ku tilmaantay xatooyo ama musuq iyo qaraabo kiil, shaqsiyana waxaan ahay dadka ku bartey inaanay macno u samayn fikradaha is xigsiinta ama reernimadu. waxaan Cabdi Cali kala kulmay qalbi furnaan iyo aragti haddii laga faa’idaysto noqon karta iftiino soo kordhay.

Dad iyo dal ahaan waxa inagu adag inaynu is ixtiraano is qiimeyno isna qadarino, waxa inagu adag inaynu keena noqda haldoor ee kaalintiisa nololeed ka soo dhalaalay aynu nidhaahno na hogatusaale oo hayaanka nala wad, waxase inoo caado ah inaynu lugta qabano oo iino aanu geyin la daba cararno, taasina waa ta ilaa maanta ina geyeysiisa in haldoorkeenu ka maagan wax u qabashadeena.

Prof. Cabdi Cali Jamac iyo in badan oo la da’aad ahi waxay ahayd inay maanta inoo hagaan majaraha siyaasiga ah ee 70 jiradu isku ilaabeen, waxay ahayd inay inoo nasiyaan dadkeenuna gartaan in laga nasto casrigii Siyaad Barre la shaqeyey waxay ahayd sida dalkeena Somalia maanta ay u xusheen hogaan la da’ ah Cabdi iyo inta u dhaxaysa 40 ilaa 50 inaynu inana u soo xulano. Ma se dhicin oo maxaa yeelay waxaynu siyaasi u naqanaa Siyaad la shaqee iyo oday nasiimo u baahan xalku se sidaa maaha.

Waxaan u arkaayay shaqsiyan aniga oo ahaa dhalintii sida weyn u tageerey Kulmiye wakhti badana u hurey ka dhaadhicinta afkaaraha kulmiye inaan la wadaago inta ila faca ah. Cabdi iyo halyeeyo aan weli tabayaa inay ahayeen kuwii hayaanka hore u wadi lahaa, kuwo aan ku ogaa dal iyo dad jaceyl, kuwo dhibaatada dalka taala si noo wada damqaysay mase dhicin oo xulasho kale ayuu madaxweynihii aanu u ololeynay keenay.

Waxba hadaba yaanu hadalku ila sii dheeraane waxaan ku soo af meerayaa ” Xaashe nin libin kaa xistiyey, xili waa yaabe” Cabdi Cali Jaamac waxa uu ahaa siyaasi xukuumada Muuse ay xejisan kari weyday una xejin kari weyday inuu qarankiisa uga faa’ideeyo fikradaha iyo wanaaga badan ee ka guuxaya in badanoo bulshadiina markhaati iga tahay.

ugu dambayn waxaan ku soo koobayaa hadalkayga intan uu AHUN Cali Suggule Dun Carbeed guud ahaan Somali dardaaran uga dhigay dulucdeeduna tahay in lays xurmeeyo keena mudana la karaameeyo.

“Mar hadaanad geerida horteed geesiga aqoonsan. ü Goblan weeye soomaaliyey garashadaadiiye.

Hal aan ka idhi Prof Cabdi Cali Jaamac “Haddii ay ku sheelaan, kartaa laysku muujaa”
W/Q Maxamed Shucayb

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here