Hailemariam Desalegn Oo Ka Hadlay Isbedelka Itoobiya?

0
342 views
Hailemariam Desalegn Oo Ka Hadlay Isbedelka Itoobiya?

Hailemariam Desalegn Oo Ka Hadlay Isbedelka Itoobiya?

Guddoomiyihii hore ee xisbiga EPRDF ahaana ra’isal wasaaraha Itoobiya Mr Hailemariam Desalegn ayaa dadweynaha Itoobiya ugu baaqay in ay taageeraan isbedelka uu sameeyay xisbiga isbahaysiga ee hoggaamiya Itoobiya.

Dr. Abiy Ahmed ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee xisiga lagu bahoobay ee EPRDF ee Itoobiya, waxaanu bedelayaa guddoomiyihii hore oo ahaa raysalwasaarihii is casilay. Waxa dhawaan loo doortay guddoomiyaha OPDO oo ah urur siyaasadeedka oromada kaas oo jidka u sii xaadhay kursigan xalay loo doortay.

Mr Desalegn waxa uu sheegay in la doortay Dr Abiy Axmed, islamarkaana shalay laga aqbalay istiqaaladii iscasilaada ee 15 February taas oo ujeedkeedu ahaa in barmaamijka dib u habaynta Itoobiya hirgalo.

Waxa uu dhammaan bulshada Itoobiya siiba dhalinyarada ugu baaqay in ay taageeraan hannaanka dib u habaynta ee xisbiga EPRDF sameeyay iyo xukumadda, islamarkaana joojiyaan ficillada ka dhanka ah nabada, kana qayb galaan hannaanka dimuqraadiyadaynta dalka.

Hailemariam Desalegn ayaa xilka ra’isal wasaarenimo loo cumaamaday sanadkii 2012 oo uu dhintay ra’isal wasaarihii hore waxaana sanadkii 2015 ku furmay dabaylo isbedel doon ah oo kaga imanayay Oromada iyo Axmaarada taas oo ugu dambeyn kaliftay in uu kursiga banneeyo sidaasna xilka lagu saaray Oromada oo aan waligood awoodda qaban.

Ururka EPRDF oo ka kooban afar urur siyaasadeed ayaa waxa uu ka koobanyahay 180 xubnood, kuwaas oo 108 ka mid ahi ay xalay codkooda siiyeen Dr. Abiy Ahmed.

Dr. Abiy oo ah nin dhallinyaro ah oo dhashay sanadkii 1976, ayaa wuxuu ka soo jeedaa qoomiyada Oromada, waana Muslim ay hooyadii Kiristan tahay. Sidaas darteed wuxuu noqonayaa Raysalwasaarihii u horeeyay ee Muslim Oromo ah ee talada Itoobiya qabta muddo 3000 (saddex kun) oo sannadood ah.

Source: Fana

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.