“Haddii Sool Ka Baxdo Somaliland Waa Tusbax Furmay,” Buuba

0
400 views
Prof Buubaa Oo Sheegay In Madaxweyne Biixi Ka Codsaday In Uu Beesha Majeerteen La Hadlo

“Haddii Sool Ka Baxdo Somaliland Waa Tusbax Furmay,” Buuba

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buuba waxa uu sheegay in gobolka Sool laf dhabar u yahay dawladnimada Somaliland, islamarkaana ay tahay muhiim in uu gobolkaasi dhammaantii Somaliland ka mid ahaado bulshada ku noola ka hesho Somaliland wixii ay xaq ugu leedahay.

“Beelaha darafyadu  waa laf dhabarta Somaliland haddii aanay ku jirin Somaliland, Somaliland wey kala dhantaalan tahay, xuduudkaas aynu imika doonayno in la gaadhana waa xuduudkii Somaliland, waxaana la isku ictiraafa Dunida iyo Dawladdaha Afrikaan waa xuduudihii ay ka tageen Dawladdihii Guumaysigu, markaas qaanuun ahaan,waa lagama maarnaan inay Sool oo dhami ka mid noqoto Somaliland, haddii ay Sool Somaliland ka baxdana waa tusbax furmay Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Buuba oo waraysi siiyay wargeyska Geeska Afrika

Siyaasi ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa sidoo kale xusay in Beelaha Darafyada iyo Beelaha kala ee Somaliland xaq u leeyihiin inay helaan waxa ka maqan, waxaanu tilmaamay in qodobadii ka soo baxay Shirkii Garxajis inay yihiin qodobo xaqiiqo oo ka hadlaya xaaladda ay Somaliland maanta marayso.

Waxa kale oo uu dhalliilay hannaanka xukumadihii kala dambeeyay citiraafka u raadiyeen “Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Kulmiye dhabihii saxda ahaa umay marin Ictiraaf raadinta, mana garanayaan sida loo raadiyo, hababka ugu fudud ee Ictiraaf lagu raadin karaa, waxa weeye iyada oo lala fadhisto, cidii aynu isku tagnay 1960, oo ah Somaliya, oo aynu waliba la doodno, oo doodeena soo bandhigno, isla markaana garteena ay Somali dhagaysto, sida Somalida Itoobiya, Somalida Kenya iyo Jabuuti, Dawladdaha ugu horeeya ee arintan goob joog ka noqonayaana waa inay noqdaan Dawladdaha  Geeska Afrika,waxaynu inagu meesha u galnay may ahayn wax kale ee waxay ahayd in Somalida oo dhan isku keeno, Somaliduna maanta waa taas cid waliba meesheedii hagaajisatay, inagu waxaynu ku dacwiyeyno waa inaynu dalkeena iyo Somaliland hagaajisano, Somaliyana dalkeeda hagaajisato, haddii ay is af garano Somaliya oo aynu qancino, Caalamkuna uu ina ogolaanayaa, oo uu ina ictiraafayaa, oo Caalamku wuxuu leeyahay idinka ayaa isku tagay markii hore ee imikana wada hadala, oo noola kaalaya waxaad isla ogoshihiin”.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.