“Haddii Aanu Muuse I Khasbin (Muqdisho Iyo Garoowe) Tagi Maayo,” Xaglotoosiye

0
2,375 views
Xaglotoosiye Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

“Haddii Aanu Muuse I Khasbin (Muqdisho Iyo Garoowe) Tagi Maayo,” Xaglotoosiye

Wasiirkii caafimaadka xukumaddii Siilaanyo Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo Dubai jooga ayaa si kulul uga hadlay xukumadda madaxweyne Muuse Biixi. Siyaasigan ka soo jeega gobolka Sool ayaa si weyn u saluugsan wasiirrada madaxweyne Biixi ka soo xushay gobollada Bariga waxaanu ku tilmaamay kuwo dhufaan ah oo uu ula jeedo kuwo xiniinyaha laga saaray oo bilaa faa’iido ah.

Mr Xaglotoosiye oo la waydiiyay in uu ka sii jeedo Somaliland wuxuu sheegay in uu yahay nin reer Somaliland ah laakiin, haddii madaxweyne Biixi sidan u sii wado qorshihiisa gobollada Bari ay u muuqanayso in lagu khasbo in uu Garoowe ama Muqdisho tagi karo.

Mar la waydiiyay hankiisa siyaasadeed ee xisbgia Kulmiye wuxuu si cad u sheegay in aanu Kulmiye doonayn oo ay tahay meel qabyaalad taallo, islamarkaana aanu helayn kursiga guddoomiyaha ee xisbiga.

Waraysigan uu siiyay Bulsho TV waa kii ugu kulula ee uu bixiyo muddadii uu xilka ka sii maqna waxaanu dhawaan ka soo muuqday sawirro uu kula jiray madaxweynaha oo meel bookhanayay taas oo loo arkayay in madaxweynaha ay wax isku ogyihiiin laakiin, wuxuu sheegay in aanay waxba isku ogayn.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.