Haddaynu Rabno In Aynu Hore U Socon, Aynu dumino Darbiyada Establisment-ka?

0
115 views
Haddaynu Rabno In Aynu Hore U Socon, Aynu dumino Darbiyada Establisment-ka?
Prof Cabdi Cali Jaamac

Haddaynu Rabno In Aynu Hore U Socon, Aynu dumino Darbiyada Establisment-ka?

Maxaan uga jeednaa Establishment-ka?; waan ka xumahay wali uma helin kalmad aan ku turjumo Ahmed Ibrahim Awale and Axmed-xiis Dharbaan your help, please in this regard); macnyaal badan bay kalmaddu leedahay, laakiin macnaha innagu aynu ka hadlaynaa waa figradaha loo qaatay in ay sax ama waxtar yihiin, laakiin xaqiiqadu tahay in ay hagardaamo yihiin; markaad duminayso darbigaa waxa kale oo kaa hor imanaya dadkii danta ku qabay Establishment-ka.

Establishment-ku wuxu ka jiraa arrimaha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha intaba; matalan, kan siyaasadda waxan tusaale u soo qaadan karnaa Ahmed Abbey, markuu dawladdii Ethiopia oo ahayd dawlad cabsi iyo cabsi galin ku soo noolayd ee ahayd dawlad Security oo dadkeeda iyo dadka dunidaba difaac kaga jirtay uu ka furay bacdii ee uu yidhi jabhadihiii oo dhan soo gala, ee u yidhi saxaafaddii waxad doontaan qora, ee uu yidhi ajaanibkoo dhami fiise ha ku soo galaan; ee uu yiidhi Eritaria siiya dhulkeeda; taasi waa xidid siib uu ku sameeyay Establishmentkii ama hab fikir dawladeedkii Ethiopia ee soo jireenka ahaa.

Hal tusaale oo kale oo establishment-ka ah oo markan Social ah aan bixiyo; macalinna wax ka tusaale badane; matalan dumarku waxay rabaan mise la rabnaa (ma garanayo, wallahi) in ay ka qayb qaataan siyasadda; su’aashu waxa weeye inta Qouto loo raadinayo dumarka maxay iyabu isu dooran waayeen, iyagaaba u badan cod bixiyayaasha’e; qaar baa sidaa ku canaanta dumarka; miyaad garanaysaa waxa hortaagan? waa Establishmentka; iyaga laftooda ayuu Establishmetnku ka dhaadhiciyay in aan dumar la dooran; dhiigooda ayay ku jirtaa baan odhan lahaa, haddii aanan buubuunin ka baqayn; dee illaa establishmentkaas la dumiyo isma dooran karaan? taasna ma wax sahlan baad moodaysaa; ta siyaasadda ee Ahmed Abbey sameeyay ayaan ka fudud; tani waa Social, dabarro dhaqan iyo diimeed bay leedahay; sidaa darteed tan oo kale waa in laga baaraan degaa; laakiin ta siyaasadda maantadaa ayaynu ku kicin karnaa?

Aan biyo dhacee, waxan u socday maanta ma duminaa Establishment-ka dhigaya in aan dawladaha iyo siyaasadda waxba laga qorin, oo sir laga dhigo wax alla wixii la xidhiidha Madaxweyne iyo wasiir iyo xafiis dawladeed; Establishment-ku sidaas buu dhigayaa; ma qallibnaa; لا يغيـر الله ما بقـوم حتى يغيـروا ما بأنفسـهم; si nabarka malaxdu uga timaaddo oo hore uu inoo bogsoodo; waxa igaga daran sida qaar badani isugu qaldayaan ummuuraha; anigu ma aqriyin buugga xirsi, laakiin dadka leh sir buu sheegay; waar ninku miyuu ka hadlay nolosha gaarka ah ee Madaxweynaha (private life), mise wuxu ka hadlaya sidii wax
loo xukumi jiray (public life); matalna ta caafimaadka, qaar baan arkayay bar-bardhigay Dr Gabboose iyo Siyaad Baree; waar waxa shaqo iksu leh ma aha labadaasi; waxay kala yihiin caafimaad iyo siyaaasad; caafimaadka waxa saamayn siyasadeed leh, siyaasigu wuu ka hadli karaa; dhaqtarka isaga waxbaa xidhaya; kuwa kale aya so qaatey Cawke iyo Siyad Barre; waar Cawke (AHU), muu qaldamin kaliya inuu Siyad Barre asturo; ee mar labaad waxan leeyahay waa fursad seegtay.

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga
Prof Cabdi Cali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.