“Hadalkii Soomaaliya Ayaa Hawsha Noo Sii Dhammaystiray,” Eng Faysal

0
1,038 views
“Hadalkii Soomaaliya Ayaa Hawsha Noo Sii Dhammaystiray,” Eng Faysal

“Hadalkii Soomaaliya Ayaa Hawsha Noo Sii Dhammaystiray,” Eng Faysal

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah weftiga madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo ee Imaaraadka jooga ayaa sheegay in hadalladii Soomaaliya kaga hor timid heshiisyada Somaliland iyo Imaaraadku soo dedejiyeen heshiisyadii muddada soo jiitamayay haddana guul laga gaadhay oo ay dhammaystirmeen hawlaha ku saabsan heshiisyadaasi.

Eng Faysal oo u warramayay BBC-da waxa uu rajo fiican ka muujiyay in weftiga madaxweynuhu guul kala kulmeen socdaalkooda waxaanu meesha ka saaray in hadallada Soomaaliya wax saamayn ah ku leeyihiin heshiisyada horumarineed iyo Militari ee Hargeysa iyo Abu Dubai wada gaadheen,

Waxa uu dhalliilay dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay magac u yaal tahay, islamarkaana ay bixisay saldhigyo military iyada oo aan xaq iyo awood midna u lahayn waxaanu ku tilmaamay waddan fashilmay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.