Hablaha Soomaaliya Oo Istanbul Loo Bixiyo

0
425 views
Hablaha Soomaaliya Oo Istanbul Loo Bixiyo

Hablaha Soomaaliya Oo Istanbul Loo Bixiyo

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa ku waramaysa in hablaha ugu badan ee Soomaaliya loo bixiyo Istanbul oo ah magaalada ugu dadka badan waddanka Turkiga ahna magaalo caan ah.

Wakaaladdu waxay sheegtay in Soomaalidu la dhacsan yihiin magaaladan maaddaama dawladda Turkigu xidhiidh wanaagsan la leedahay caawimo laxaad lehna siiso dawladda iyo dadka Soomaaliya.

Mukhtar Maxamed ayaa u sheegay in inantiisa oo 7 jir ah uu u bixiyay Istanbul oo uu ku tilmaamay boqorada magaalooyinka. Waxa uu sheegay in uu ku sharfayo taageerada Turkigu siiyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay tahay tilmaan wanaagsan oo eheladiisa iyo bulshada xasuusinaysa kaalinta deeqsinimada leh ee Turkigu ugu jiro Soomaaliya.

Haweenay kale oo lagu magacaabo Sumaya waxay gabadheeda u bixisay Istanbul waxaanay sheegtay in ay magaaladaasi ka heshay iyada oo ka baratay musalsalada Turkiga oo Soomaalidu si weyn u daawato “ Runtii Waan jeclahay quruxda dabiiciga ah ee Istanbul. Waxaan jecla in aan magacayga Istanbul u bedelo laakiin, inantayda dhawaan dhalatay ayaan u bixiyay,” Sidaas ayay tidhi Sumaya oo sheegtay in ay wiilkeeda u bixin doonto magaca madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan.

Haweenay kale oo 40 jir ah magaceeduna yahay Istanbul waxay sheegtay in aabaheed oo xidhiidh la lahaa Istanbul u bixiyay magaca laakiin, wakhtiyadii hore magacu la fool xuma hadda se markii Istanbul caan noqotay ay jeclaatay magaceeda.

Dawladda Turkigu waxay dadaal ugu jirta sidii ay u hanan lahayd quluubta bulshada Soomaaliya waxaanay macaluushii ka dhacday 2011 oo Mr Erdogan yimid Muqdisho loo nisbeeya in ay indhaha caalamka mar kale ku soo jeedisay Somalia waxaanay ilaa wakhtigaasi u fidisay taageero laxaad leh.

Source:  ‘Istanbul’ increasingly popular name for Somali girls

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.