“Ha U Diyaar Garoobaan Dagaal Cir & Dhul Ah,”Cagjar

0
565 views
“Waxa Dib Loo Dooranaya Abiy Axmed,” Mustafe Cagjar

“Ha U Diyaar Garoobaan Dagaal Cir & Dhul Ah,”Cagjar
Jigjiga(Sayruuq) Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar waxa uu sheegay in 27 sannadood ee u dambeeyay dadkiisa lagu hayay cadaadin dhanka Diinta ah, islamarkaana aanay dib ugu dulqaadan doonin. Waxa uu sheegay in ay difaacayaan dadkooda iyo caqiidadooda.

“Dib dambe shacabkayagga looguma ugaadhsan doono diintooda. Kuwii 27kii sano ee u dambeeysay shaambadeeynta dadka iimaanka iyo caqiidada leh ku aflaxay maantana isla tii miciin moodaya ha isu diyaariyaan dagaal cir iyo dhul ah. Waa waajib inaan difaacno xorriyadda iyo karaamada dadkayaga la duleeystay ee aan wali ka soo kaban dharbaaxooyinkii guumaysigii ba’naa ee ay soo mareen,” Sidaas ayuu madaxweyne Cagjar ku yidhi warbixin uu ku faafiyay bogagiisa Baraha Bulshada.

Hadalkan ayaa imanaya iyada oo cisbitaalka Jigjiga dhawaan loogu magac daray Sheekh caan ka ah degaanka. Cisbitaalka wayn ee Jigjiga oo la odhan jiray Meles Zenawi Hospital ayaa hadda magacaasi laga badalay waxaana loo badalay Suldaan Sheekh Xasan Hospital.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.