Guurtida Oo Sheegay Qodobo Ku Lid Ah Shareecada Islaamka Oo Ku Jira Xeerka Kufsiga

0
299 views
Guurtida Oo Sheegay Qodobo Ku Lid Ah Shareecada Islaamka Oo Ku Jira Xeerka Kufsiga

Guurtida Oo Sheegay Qodobo Ku Lid Ah Shareecada Islaamka Oo Ku Jira Xeerka Kufsiga
Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay si adag uga hor yimaaddeen xeerka Kufsiga oo golaha wakiilladu u gudbiyay madaxweyne Biixi. Waxay sheegeen in xeerka ay ku jiraan qodobo ka dhan ah Diinta Islaamka kuwaas oo ka duwan wixii shareecadu Kufsi u aqoonsan tahay iyo wakhtiga qofku ku qaangaadhayo. Xeerka ayaa hore Guurtidu wax uga soo bedeshay kuna soo celisay wakiillada laakiin, wakiillada oo sidiisii hore ku ansixiyay ayaan ku celin Guurtida waxaana loo gudbiyay madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo Guurtida ka mid ah ayaa sharraxaad ka bixiyay meelaha ay walaaca ka qabaan “ Xeerka kufsiga marka laga hadlayo Golaha wakiillada wuu soo maray, Golaha Guurtida ayuu u soo gudbay ,goluhu waajibaadkiisii iyo talo bixintiisii wuu ka gutey waxaanu ku saleeyey shareecada islaamka , golayaashu uma shaqeeyaan Hay’addo laakiin, waxay ku shaqeeyaan rabitaanka shareecada islaamka , waxa la waafejiyey xeerkaasi kufsiga shareecada islaamka .” Ayuu yidhi Xildihibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase

Xildhibaan Dayib Axmed Xasan, waxa uu sheegay in xeerka Kufsiga Somaliland dhigayo in qofku ku qaangaadhayo 18 jir halka Islaamku qaangaadh u aqoonsan yahay 15 jir “ Annagu xeerkan waanu ka shaqaynay wixii aanay Diinta Islaamku ogolayn ayaanu ka saarnay , tusaale ahaan kii Guurtidu ay qortay, waxaanu ku qornay sida ay diinteena islaamku ay sheegtay qofku wuxuu ku qaan-gaadhaa 15 jir diinteena suuban ayaa sheegtay, taasi ayaanu ku qornay, iyagu waxay ku qoreen 18 jir ayuu qofku ku qaan-gaadhaa sideed iyo toban shaqo kuma lihin gaalada iyo dadkaas ayaa leh Cida meel kale mar marinaysaa, marka horeba waxay wadaa madow ayaa ku jira “ Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Dayib Axmed Xasan
Xildhibaan Cabdixakiin Sheekh Furre ayaa ururada haweenka iyo dumarka guud ahaan ugu baaqay in sharaftoodu ku jirto Shareecadda Islaamka “ Arrintan waxaan halkan kaga baaqayaa ka Xildhibaan ahaan Dumarku horta waa dumarkeenii ama Ururka Nagaad ha-noqdaan ama Ururo kale ha noqdaan haweenow sharaf waxaad ku leedihiin diintiina islaamka maaha in gaalku inaga dhex-shaqaysto inaga dhex-deena .”

Waxaanu isaga oo haddalkiisa siiwata soo bandhigay wax-yaabaha diinta islaamka ku lidi ah ee ku jira xeerkaasi kufsiga “Waxa kale oo ku jiraa xeerkaasi kufsiga haddii uu ninku u galmoodo gabadhiisa iyada oo aan rabin in kufsi lagu qoro ninkaas oo nin Kufsada lagu qoro.”

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerkaasi uu ku jiro qodob kale oo halis ka kaasi oo ah in haddii laba qof ay wada sinaystaan iyaga oo raali iska ah “Labada qof ee raali iskaga ah inay sino sameeyaan maaha laba qof oo macnaha,waa sinadii xaaranta ahayd ee ilaahay uu quraanka ku sheegay “.

Xildhibaan Cabdixakiin Sheekh Furre ayaa intaasi ku ladhay“Markaa waxa weeye xuquuqdaa ilaahay u dhigay in loo dhaafo mahaa Culimada aqoonta u leh diinta markii Guurtidu la kaashatay, waxa lagu sameeyey xeerkan in ka waafajiyo sharaceeda diinta islaamka, haddii uu sidaas uga gudbaya golihii oo uu dib ugu noqday golahii wakiilada may qurux badnay in laga saaro wixii sharaacada islaamka khuseeyey ee lagu kabay in golaha wakiilada rag kamid ahi intay ka saaraan Madaxtooyadda in loo gudbiyo oo laga qosliyo Gaal iyo Nijaas iyo wixii ay khaldeen oo dadkeena ah .”
Dhanka kalena Xildhibaan Cabdixakiin Sheekh Furre ayaa culimada ugu baaqay inay arrinta ka hadleen khatarteeda “Culimada waxaan leeyahay arrimaha noocan oo kale ah marka aad la kulantaan ama aad dhegaysataan si caama isku war-geliya ummada idinka u ah dadkii loo noqonayey xaga diinta , culimaduna marka aanu arrimaha diinta isku qabano waa in ay nasoo dhex-galaan.

Ugu Dambayen Xildhibaanada ayaa si wada jir ah Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu is hortaago xeerkaa diinta islaamka ka hor imanaya “Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha mar koobaad iyo labaad-ba weynu u dhaarsanay dalka dhammaanteen haddii aanu xildhibaano nahay iyo haddii aad Madaxweyne tahay xil ayaa ina saaran dad wax loo yeedhiyo ma noqon karno arrintaa Madaxweyne nala eeg , waxaanu kaa codsanaynaa in aad arrinkaa in aad halkaa ku joojiso weliba lagula xisaabtamo cida sharaacada islaamka oo la waafejiyey xeerkna cida ka saartay, waa in lala xisaabtamo oo uu qaranku la xisaabtamo .”

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.