Gudida Ilaalilinta Iyo Dhawrida Hanitada Qaranka Parlamaanka Somaliland Oo Xogwaran La Yeeshay Wasiirka Macdanta JSL.

0
14 views

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xusseen Cabdi Ducaale ayaa maanta hortagay Guddihoosadka Dabbagalka ilaalinta Hantida qaranka iyo Ladagaalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiilada, kulankaasi oo ah mid albaabadu u xidhnayen ayaa markii uu dhamaday waxa faahfaahin ka bixiyey wixii ay ka wadda hadleen wasiirka macdanta iyo Tamarta waxanu sheegay in xog dhameystiran ay ka siiyeen heshiiyada kala duwan ee wasaaradu kula jirto Shirkadaha Shiidalka baadha iyo kuwa macdanta waxanu tilmaamay in ay ku qanceen wixii ay u bandhigeen.
Waxa kale oo uu sheegay in lacag ka baddan 4 milayn iyo badh oo Dollar ay qasnada dawlada ku xareeyen oo ah heshiiyadii lala galay shirkadaha.

Waxanu yidhi. “Waxanu Hadda Ka soo baxnay Xogwareysi ay nalla yeeshen Guddida Ilaalinta hantida qaranka ee Golaha wakiilada, Runtii Guddida si fiican oo tafatiran ayaanu ugu waranay, waxay wax nagga waydiiyeen Dakhliga aanu dalka uu soo hoynay iyo heshiisyada Shirkadaha la galno oo aanu ugga waranay Afartii Sanno ee masuuliyadda aanu haynay in aanu dalka u soo xareynay lacag dhan Afar malyuun iyo badh Dollar kuwaasi oo ka soo xarooday Heshisyada Shirkada Shiidalka iyo Macdanta, waxa la barbar dhigay lacagtii heshiiyada ka soo xarooday Siddeedii sanno ee taggay oo ay lacagtu noqotay 18,000 oo Dollar, halka Afar Sanno aanu ku soo xareynay Afar Milyan iyo badh Dollar, waxa kale oo ay waxa nagga waydiiyeen miisaniyadda Wasaarada runtii dakhligga wasaaradu inta baddan waxa uu ku baxa mushaharaadka, laakiin Dakhliga Sanad laha ee wasaradu waxa afar iyo toban jeer ku soo limin laamaya lacagta ay wasaaradu soo xareyso, waxa kale oo aanu ugga waramay heshiiyada ay wasaaradu ku jirto nooca ay yihiin iyo sidda ay hawluhu u socdaan”.Ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here