Guddoomiye Cirro Oo Go’aan Adag Ka Qaatay Guddida Doorashada

0
313 views
“Xoghayuhu Dagaal Buu Xisbiga Ku Soo Qaaday,” Dr Ciro

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa uu ku dhawaaqey in gebi ahaan ba ay kalsoonidii kala noqdeen Komishanka Doorashooyinka Somaliland.
Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaas oo goor-dhaweyd la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in kalsooni dambe oo ay doorasho ku qabtaan aanay ku qabin Komishanka Doorashooyinka isla mar ahaantaana ay ku baaqayaan in la kala diro. Isaga oo si aada carabka ugu adkeeyey khaladaadkii doorasho iyo gefafkii shacri ee ka dhacay Doorashadii ay dalka ka qabteen 13kii November 2017kii.

 

Image may contain: text

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here