Guddomiye Cirro Oo Dhaliilo Culus Dusha Uga Tuuray Madaxweyne Muuse

0
395 views
Guddomiye Cirro Oo Dhaliilo Culus Dusha Uga Tuuray Madaxweyne Muuse

Guddomiye Cirro Oo Dhaliilo Culus Dusha Uga Tuuray Madaxweyne Muuse,Waxaanu Mar Labaad ku Soo Jeediyeen Kala Dirista Koomishanka Doorashooyinka

Hargeysa(Sayruuq)- Guddomiyaha Xisb iga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ayaa saaka warbaahinta kula hadley hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa waxaa uu si kulul uga hadley arimo badan oo ah xaalada ay maanta Somaliland Mareyso .

Arimaha uu gudoomiye Ciro uu si kulul uga hadley waxaa ka mid ah shirkii Brussels Somaliya loogu qabtey oo uu sheegay in ay ka qeyb galeen xubno Somaliland matalaayey , Ergedi Garoowe u Tagtay Dagaalka Tuko-Raq, Siyaasadii Arimaha dibada Somaliland uu sheegay inay meesha ka baxday iyo arimo kale

Gudoomiye Ciro waxaa uu sidoo kale ka digay Dib u dhac ku yimaada doorashada , waxaana uu wax aan la aqbali karin ku sifeeyey inay shaqadii sii wataan Kominshanka Doorashooyinka oo uu xisbigiisa waddani kalsoonidii kala noqdey 22 March ee sanadan

Cirro ibo fur kaftan duur xul ah ku tuuray Kulmiye ayaa wuxu yidhi”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga KULMIYE waxa ay ku ololayeeyeen: ‘’ Cirro iyo Xisbiga WADDANI laguma aamino karo dalka”. Waxay ahayd arin weyn oo qaran-jab ah; gafkii ummadda loo geystayna aan wali laga raaligalin arrintaasi gabay bay ahayd. Jawaabta gabaygana waxaa lala sugaa xilli ku munaasib ah. Hase yeeshee Annigu gafkay galeen galimaay odhan mayo: ‘’ Muuse Biixi iyo KULMIYE dalka laguma aamino karo ee aan ka qabanno”. Waxa aanse leeyahay Muuse iyo KULMIYE xaaladda dalka ku jiro ee dhaqaallodarro ah, maamul-habacsanaan iyo kala qeybsanaan ummadda ah iyagaa masuul ka, qarankuna jihada uu ku socdaa ma aha jiho sax ah.

Waxa aan intaa ku kabayaa ereyadaas fariin aan u dirayo taageerayaasha WADDANI dhamaantood meel kasta oo ay joogaan; waxaan leeyahay damaca Xisbiga WADDANI ee kursiga Madaxweynuhu wuu ka weynyahay kii hore, rejada guushuna way ka weyntahay tii hore, hawsha ina hortaalaana way ka weyn tahay tii hore, feejignaanta ina sugeysaana way ka weyn tahay tii hore.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.