Guddida Dabagalka Musuqmaasuqa U Qaabilsan Wakiillada Oo Soo Bandhigtay Magacyada Wasiirro iyo Shakhsiyaad Kale Oo Malaayiin Doollar Lunsaday

0
222 views
Guddida Dabagalka Musuqmaasuqa U Qaabilsan Wakiillada Oo Soo Bandhigtay Magacyada Wasiirro iyo Shakhsiyaad Kale Oo Malaayiin Doollar Lunsaday

Guddida Dabagalka Musuqmaasuqa U Qaabilsan Wakiillada Oo Soo Bandhigtay Magacyada Wasiirro iyo Shakhsiyaad Kale Oo Malaayiin Doollar Lunsaday
Hargeysa (Sayruuq) Guddida Ilaalinta Iyo Dabagalka Hantida Qaranka Somaliland ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa war-bixin dheer oo ay ka hor jeediyeen golaha wakiillada ku sheegay musuq-maasuq ay ku kaceen qaar ka mid ah wasiirrada xukumaddii Madaxweyne Siilaanyo, iyaga oo sheegay in lacagta loogu talo galay horumarinta gobollada Bariga dalka aanay sideeda u gaadhin deegaanadii loo qorsheeyey.
Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire oo warbixin guddidu soo saartay u akhriyay gole waynaha wakiillada ayaa sheegay in lacagta horumarinta gobollada Bari loogu talo galay ee 2% lagu kharash gareeyay meelo kale “ Madaxa gobollada Bari oo ahaa 2% waxa lagu kharash gareeyey wax yaabo ay ka mid tahay gobolladii Bari iyo wax-yaabo kale oo meelo kale oo fara badana, waxa ka mid ah iib baabuureed iyo hawlo siyaasadeed, dhismayaal, tigidho iyo safarro dabadeed.”
Isaga oo ka sii hadlaya lacagta 2% wuxuu yidhi “Haddii aad eegto sida shaxaysan ee loo kharash gareeye 2% gobollada Bari , waxaad arki karaysaa in gaadiid loo iibiyey Madaxtooyadda laba gaadhi oo Bas ah oo la iibiyey ,kkarash lagu kharash gareeyey Saldhig garoon iyo Dowlada Hoose ee degmada Xudun, Agaasimaha Xisaabaadka Madaxtooyadda oo isagana lacag lagu kharash gareeyey hawlo siyaasadeed oo laga siiyey “lacagta horumarinta gobolada bariga” dhismo Dugsi xarun caafimaad oo laas –canood laga hirgeliyey , dhismi saldhig Boolis oo laga fuliyey tuuladda Awr boogays, dhisme laamay 6-KM ahaa oo laga fuliyey magaalada Laas-canood iyo dhisme xarunta RRU-da ee gobolka Saag iyo weliba hirgelinta arrimo siyaasadeed oo uu markaa sameeyey xoghayaha Madaxweyne ku xigeenka & iib gaadhi damdamis ah oo gobolka Sool ah , waxa kale oo lacagtaa laga fuliyey dhisme saldhig Boolis oo laga fuliyey oo loo sameeyey tuulada Daryaalay iyo dhagax dheer, Roog garoonka kubada cagta ee Laas-canood, dardar-gelinta arrimaha siyaasada iyo tigidho safar dabadeed.”
Guddoomiyaha Gudidda ilaalinta hantida qaranka Naasir Cali Shire ayaa sheegay in aanay mashaariicdaa kor ku xusan iyo lacagta ku baxday aanay is lahayn oo ay lacagtu badantahay “ Mid walba qiimaheeda ayaa meesha ku qoran waxaana runtii guddida u soo baxday lacagaha meesha ku qoran in qaar aad loogu talax-tegay oo ay ka badan tahay marka loo eego shaqada la fuliyey, waxa kamid aha rooga la dhigay Garoonka kubadda Laascanood, waxa ku baxay $182,000 (boqol iyo laba iyo sideetan kun oo dollar) waxaana fulisay shirkadda loo yaqaano Marxaba , waxa kale oo aanu aad ula yaabnay dhisme lagu kordhiyey degmada xudun oo ay ku baxday $19,000 (Sagaal iyo toban kun oo dollar), run ahaantii marka aanu ka wareysi tagnay dhismahaa cid noo taagiidisa waanu weynayba .” Ayuu yidhi Naasir Cali Shire .
Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in la lunsaday lacagtii dhismaha garoonka kubada Cagta ee shulaac , kaas 0o aan goobtii loogu talo galay dhismaha aan wax dhisme ahi ka socon “Dhismaha Garoonka kubada cagta ee shulaac lacagta la siiyey dhismaha garoonka marka aan isku geynay waa $194,000 (Boqol iyo afar iyo sagaashan kun oo dollar) xataa dhulka waxa ku deeqay reer Shulaac oo beerta lahaa, Lacagta intaa leegna dhisme maanta ka socdaa ma jiro , waa arrin u baahan inaad loo dhugto ,waxa loo dhiibey lacagtaa ninka la yidhaah-do Nimcaan Cabdi iyo Shirkadda loo yaqaano Dhidar.” Ayuu yidhi Naasir Cali Shire
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha ilaalinta hantida qaranka Naasir Cali Shire ku xusay war-bixintiisa dhismaha jeelka Boorama oo qabyo ah iyo Rooga la dhigay goroonka Boorama oo sheegay in aanu u qalmin lacagta ku baxday Roogas “ Dhismaha jeelka Boorama waxa dhistay shirkadda loo yaqaano DHIDAR Construction Company waxay qaadatay $200,000 (laba boqol oo kun oo dollar) , sida aad Boorama uga war haysaan waanu tegnay taasna jeelkaasi lama dhammays tirin oo waa qabyo , waxa kale oo ugu cajiibsan dhigita Rooga Garoonka kubada cagta ee Boorama waxa qaaday “Lacagta” ninka loo yaqaan Axmed Xaaji Daahir waxa ku baxay &88000, sideed iyo sideetan kun oo dollar rogaasi runtii uma dhigmo qiimaha intaa leeg .”
Geesta Kalena Xildhibaanka ayaa war-bixintiisa ku xusay dhisme wasaarada hawlaha guud ka dhisatay magaalada Burco oo uu sheegay in Lacagta la sheegay inay ku baxday ay ka badan tahay, isagoo sidoo kalena so bandhigay Roogii loogu talogalay in la dhigo garoonka kubada Burco oo lacagtiisi la leexsaday. “Dhismaha Wasaaraddya Hawlaha Guud ee Gobolka Togdheer waxa dhistay Shirkada BARAKO Construction, meeshaan soo aragnay uma dhiganto Lacagtaasi , waxa ku baxay $175,000, (Boqol iyo shan iyo todobaatan kun oo dollar), Rooga Garoonka kubada cagta ee Burco , magaalada Burco waanu tegnay garoonka kubada roog yaalaa ma jiro, waxa lacagtaa qaaday ninka la yidhaah-do Cabdiraxmaan Xasan Diiriye , waxaanu qaaday $88,000 , sideed iyo sideetan kun oo dollar.”
Dhanka kalena Guddoomiyaha ilaalinta hantida Qaranka ayaa daaha ka fayday xadiga lacagta la siiyey Laynka Bileyska Magaalada Hargeysa iyo dhismaha qabyada ah ee jeelka Burco xog ku saabsan “ Waxaan u gudbaynaa warbixin yar oo kooban oo aanu ka diyaarinay jeelka Burco shirkadda loo yaqaano Barako Construction waxay noo cadaysay inay Dowladda kula heshiisay $ 1.5 Milyan oo dollar dhismaha jeelka Burco waxa miisaniyadii 2016 ugu jirtay $180,000, boqol iyo sideetan kun oo dollar , markaa waxa kale oo ay noo sheegaan in Shirkada DAHABSHIIL ay siisay $ 540,000, shan boqol iyo afartan kun oo dollar oo ka timi wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta oo markaa iibiyey isagoo magacii Dowlada ku shaqaynaaya hantidii ummada,xogaha aanu helnay waxa kamid ah in la siiyey laynka bilayska ee Hargeysa sagaal Boqol iyo labaatan kun oo dollar, wasiirka ayaa wuxuu bixiyey dhiskoon saddex boqol oo kun oo dollar ah ..”

Gebogebadii Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa ugu baaqay xeer ilaaliyaha guud inuu talaabo ka qaado ashkhaastaa ku kacay falalkaasi “ Waxaanu si gaar ah ugu soo jeedinaynaa xeer ilaaliyah guud in baadhis sameeyo Magac-yada iyo wax-yaabah aanu soo bandhignay, maalmaha soo socda inay hawshaa galaan ayaanu ka codsanaynaa xeer ilaaliyaha .”.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.