Guddida Caddaaladda Oo Samaysay Shaqa Ka Eryid, Digniin, Isku Bedel Iyo Magacaabis

0
182

Hargeysa(Sayruuq)  Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay maanta soo saartay wareegto xambaarsan garsooreyaal iyo xeer ilaaliyeyaal qaarkood shaqada laga eryay, kuwa la isku bedelay, digniin iyo aqbalaad shaqo ka tagis. Wareegtadan oo ay soo saartay guddida Caddaaladda waxa sida sharciga waafaqsan u faafisay wasaaradda caddaaladda. Wareegtada oo aan lagu sheegin wax sabab ah waxay u dhignayd sidan:-

Magacaabis

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Maxamed Cismaan waxa laga bedelay xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex waxaana loo magacaabay madaxa xafiiska xeer ilaalinta guud ee gobolka Sool, Cabdi Ibraahim Aadan waxa laga bedelay xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex waxaana loo magacaabay madaxa xafiiska xeer ilaalinta guud ee gobolka Saraar.

Bedel Garsooreyaal

  1. Jaamac Maxamed Ibraahin (Xaraaro) waxa laga bedelay garsoore Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ah waxaana loo bedelay garsoore Maxkamadda gobolka Saaxil ah.
  2. Axmed Yuusuf Cabdi waxa laga bedelay garsoore gobolka Maroodijeex ah waxaana loo bedelay garsoore Maxkamadda gobolka Saaxil ah.

Isku bedel kuxigeenno xeer Ilaaliyeyaal guud

  1. Axmed Cismaan waxa laga bedelay madaxa xafiiska xeer ilaalinta Burco waxaana loo bedelay xarunta xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
  2. Jaamac Ducaale Siciid waxa laga bedelay madaxa xafiiska xeer ilaalinta Saaxil waxaana loo bedelay xafiiska xeer ilaalinta Togdheer ee Burco
  3. Jamaal Jaamac Haashim waxa laga bedelay madaxa xafiiska xeer ilaalinta guud ee gobolka Gabiley waxaana loo bedelay madaxa xeer ilaalinta guud ee Saaxil
  4. Xuseen Cali Khayre waxa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaalinta guud ee gobolka Togdheer waxaana loo bedelay madaxa xafiiska xeer ilaalinta guud ee Gabiley
  5. Cabdikariin Xuseen Gadhle waxa laga bedelay xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex waxaana loo bedelay xafiiska xeer ilaalinta ee Togdheer
  6. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud waxa laga bedelay xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maroodijeex waxaana loo bedelay Gabilay gaar ahaana Wajaale
  7. Cabdillaahi Maxamed Cali Waxa laga bedelay madaxa xafiiska xeer ilaalinta guud ee gobolka Sool waxaana loo bedelay xafiiska xeer ilaalinta guud ee gobolka Sanaag.

Shaqo ka saarid

  1. Maxamed Maxamuud Xirsi Guray oo ahaa garsoore Maxkamadda degmada Gabiley ah waxa laga saaray shaqadii garsoorka
  2. Maxamed Cumar Xasan oo ahaa garsoore Maxkamadda gobolka Togdheer ah waxa laga saaray shaqada garsoorka
  3. Axmed Muxumed Xasan oo ahaa garsoore Maxkamadda Togdheer ah waxa laga saaray shaqadii garsoorka
  4. Siciid Maxamed Obsiiye oo ahaa kuxigeenkii xeer ilaaliyaha gobolka Saraar waxa laga saaray shaqadii Garsoorka

Digniin

Idiris Maxamed Maxamuud oo ah garsoore maxkamadda gobolka Maroodijeex ah waxa la siiyay digniin kama dambeys ah

Aqbalaad iscasilaad

Cabdishakuur Cali Maxamed waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista ee uu soo qortay

Sayruuqnews waxay wareegtada ka soo xigatay Radio Hargeysa oo laga baahiyay

Sayruuqnews/office

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here