Gudaheena Hadaynaan Heshiis Aheyn Ictiraaf Iman maayo

0
85 views

Gudaheena Hadaynaan Heshiis Aheyn Ictiraaf Iman maayo Waxaana Muuqata In Uu Istaagay Wadahadaladii U Socday Somaliland iyo Khaatumo.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay wadahadaladii u socday jeediyay in la fuliyo heshiiskii ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo.waxaana uu tilmaamay in wadahadaladaasi istaageen.

Siciid Maxamed Cilmi ayaa waxa uu sheegay in aan Somaliland la Ictiraafi doonin iyadoo gudaheedu heshiis ahayn.waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ictiraafku ku xidhan yahay in shacabka Somaliland heshiis noqdaan.

Siciid Maxamed Cilmi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan ka hadlayaa Wadahadal kii u socday Somaliland iyo Khaatumo madaamada oo aan ahay wakiil ka soo jeeda Deegaanadaas, waxaana muuqata in wadahadal kaasi istaagay,ictiraaf ayaan raadinaynaa marka aynu dal nahayna inaga gudaheenu hadaynaan heshiis ahayn ictiraaf iman maayo.Ictiraafku waxa uu ku xidhan yahay in inagu marka hore gudaheena heshiino.Saamiqaybsigii kolba cida diidaysaa waa Beeshe dhexe,”.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.