Gorfayn Buug: “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha”

0
334 views

Gorfayn Buug: “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha”

Sideedaba, ma hawlyara in qof qoro buug sooyaal ummadeed ka warramaya. Waa arrin u baahan halabuur, hawlkarnimo, hubsiino iyo dedaal dheeri ah. Sidoo kale, arrin sahlan ma aha in wax laga qoro dhacdooyin iyo maalmo weli sii qoyan oo nolosha mujtamaca si toos ah u taabanaya.

Ugu horrayn, waxa aan ka cudurdaaranayaa in aanan falanqaynta buuggan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” ku soo wada ururin karin qormo iyo laba. Sidaa darteed, maadaama wax ka ogaanshaha buugga loo jeelqabo, waxa aan isku koobayaa in aan si gaar ah ugu nasto meelaha macnaha weyn inoo wada samayn kara. Sidoo kale, aniga oo tixgalinaya codsiga qoraha ee ah in maadaama uu buuggani yahay waxsoosaarkiisii kowaad indho lexjeclo leh lagu akhriyo, waxa aan isku dayi doonaa in aanan gorfayntan ku talaxtagin.

Buuggan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waxa uu ku saabsan yahay xusuustii iyo aragtidii mid ka mid ah siyaasiyiinta loogu hadalhaynta badan yahay Somaliland. Waa Xirsi Cali Xaaji Xasan oo 2010kii ilaa 2015kii ahaa gacanyaraha kowaad ee Madaxweyne Siilaanyo. Waa xaqiiqooyinka ku qarsoon hoggaamintii Madaxweyne Siilaanyo oo ka mid ah qaddiyadaha ka-hadalkooda sida weyn loogu kala aragti fog yahay.

Buuggu waa qoraaga, qoraaguna waa buugga. Sidaas darteed, ma aha laba arrimood oo sinnaba loo kala qaadi karo. Sidaas darteed, mar haddii aynnu ka hadlaynno buugga Xirsi Cali X. Xasan ee “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waa khasab in aynnu hal iyo laba ka nidhaahno qoraha.

Dadka Xirsi taageeraa waxa ay ku doodaan in uu yahay nin daacad ah, hawlkar ah, deeqsi ah oo runsheeg ah. Waxa kale oo ay sheegaan in uu guulo cuddoon soo hooyay muddadii uu madaxtooyada ku sugnaa, markii uu iska casilayna madaxtooyadii casilantay.

Aragti taa aad uga durugsan waxa qaba dadka aan la dhacsanayn siyaasaddiisa oo u arka in uu Xirsi awooddii Madaxweynaha si foolxun ugu tagrifalay, adeegsaday awoodo ka badan kuwii sharcigu u oggolaa, hanti badan musuqay, dad badan ku dulmay, isla markaana hannaankii dawladnimo, sharciyaddii iyo midnimadii wadareed ee dalka ku burburiyay. Waxa kale oo ay qabaan in uu yahay nin aad u indho adag oo bilaa yaxyax ah. Indho adayggaas laftiisa dad baa ku jecel.

Buuggan waxa daabacday shirkadda ASAL oo sida la sheegay dalka gudihiisa ku daabacday habeenkii ka horreeyay bandhigga. Tayo ahaan, si fiican ayaa loo daabacay marka loo eego daabacaad maxalli ah oo degdeg ah, walow aan la dafiri karin qaabaynta iyo nashqadda buugga ee laga qurxoon yahay iyo xabagta jilicsan ee waraaqaha isku haysa.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 341 bog iyo ilaa 23 bog oo isugu jira tusmo, gogolxaadh, afeef, mahadnaq, hibayn, i.w.m. Waxa uu ka kooban yahay labaatan cutub oo ilaa lix ka mid ahi aanay xidhiidh toos ah la lahayn waxa buugga laga fili karo. Waa cutubyada ugu horreeya oo badankoodu ka warramaya taariikhdii gumeysiga iyo maxmiyadda Ingiriiska, curashadii iyo habawgii gobannimada, dawladnimadii iyo qaranjabkii Soomaalida, abaartii Dabadheer iyo gurmadkii ku taxnaa iyo qodobbo kale. Marka laga reebo qodobka ugu dambeeya waa mawaaddiic aan xidhiidh toos ah la lahayn ladhka buugga ee Miyiga ilaa Madaxtooyada.

Xirsi waxa aan ku ammaanayaa in uu ka runsheegay xilliyo noloshiisa ku taxan oo wakhtiga iyo waayuhuba ku jiifeen. Waa taariikhda la xidhiidha noloshiisii waxmahaystanimada iyo duruufihii adkaa ee dadba kala sinnaa. Waa bilawgii geeddigiisa shaqada oo uu xusayo in uu muddalab ka noqday hudheelka Beder ee magaalada Burco iyo shaqadii uu shirkadda maanta ballaadhatay ee Dahabshiil ka bilaabay oo ahayd kaaliye fooniye. Muuqaallada caynkaas ahi waa kuwo dhiirrigalin kara dad badan oo aan ka mid ahay.

Waxa kale oo qodobbada i soo jiitay ka mid ah sida uu uga hadlay xaasaskiisa, iyo labadaraale; sida uu hoosta uga xarriiqay marwadiisii kowaad ee waayaha adag kala soo dabbaalatay Koos Maxamuud Aadan.

Dhinaca habqoraalka, walow rag aan ku kalsoonahay tifaftir ku sameeyeen, isla markaasna ay ku dedaaleen in ay saxartiraan, haddana, khaladaadka higgaadda iyo qoraalka ee buugga ka muuqdaa ma sahlana. Waxa jira bogag dhan oo aan is idhi cidiba isha ma marin. Si aad taas iila xaqiiqsato, bal ila eeg bogga 279 oo aan ka helay in ka badan ilaa soddon khalad oo dhinaca higgaadda iyo qoraalka ah.

Qaybaha ugu horreeya ee aad judhaba isha ku dhufanayso waxa ka mid ah
“Gogolxaadhka buugga” iyo saddex qormo oo koobkooban oo ay qoreen saaxiibbaday Maxamed Haaruun Biixi, Maxamed Baashe X. Xasan iyo Xasan Cabdi Madar. Qoraallada Baashe iyo Biixi waa kuwo xirfad qoraannimo iyo hufnaan huwan, hase yeeshee saaxiibkay Xasan Madar waxa uu u qoray hannaan aanan ka filayn oo cadho, abaalcelin iyo aargoosi intaba laga dhadhansan karo.

Inkasta oo aan loo xukumi karin si la mid ah sidii loo naqdiyi lahaa halabuurka suugaanta u banbaxay, haddana, gabayada uu buugga qoruhu ku soo bandhigay waxa ay u badan yihiin gabayo nuxur ahaan madhan, miisaan ahaanna laaxin badani ka muuqdo.

Cutubyada hore ee qoruhu ka warramayo taariikhaha ka soo bilawda markii gumeysigu carriga yimid, way yar tahay inta uu xusay meelaha uu ka soo xigtay. Isaga oo weliba qoruhu xusaya in aanu goobjoog ahayn.

Suugaanta halabuurka kale ee uu soo xigtay lafteeda ayuu qaar qaldayaa sida, “ninka ugu ildheer baa; dadka ugu ayaandaran” oo uu ku sheegayo in uu AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” halabuuray, halka uu heestaas oo aad caan u ah curiyay AHN Abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Cismaan-Askari”.

Guud ahaan buugga waxa ku badan anaaniyadda iyo aniga iyo aniga. Wax kasta oo wanaagsan oo dalka ka dhacay 2010 ilaa 2015 waxa fikir iyo fulinba horseed ka ahaa qoraha. Waxa sidoo kale ka buuxa qadaf iyo ereyo aad uga meeqaam hooseeya wixii laga fili karayay buug nin aan siyaasadda layli ku ahayni qoray.

La soco gorfaynta qaybaha siyaasadda oo xiise badan mar dhow……………
Suugaan-dhaadhi Maxamed Saleebaan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.