Gorfayn Buug: “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha”

0
195 views
Gorfayn Buug: “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha”

Gorfayn Buug: “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha”

Sideedaba, ma hawlyara in qof qoro buug sooyaal ummadeed ka warramaya. Waa arrin u baahan halabuur, hawlkarnimo, hubsiino iyo dedaal dheeri ah. Sidoo kale, arrin sahlan ma aha in wax laga qoro dhacdooyin iyo maalmo weli sii qoyan oo nolosha mujtamaca si toos ah u taabanaya.

Ugu horrayn, waxa aan ka cudurdaaranayaa in aanan falanqaynta buuggan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” ku soo wada ururin karin qormo iyo laba. Sidaa darteed, maadaama wax ka ogaanshaha buugga loo jeelqabo, waxa aan isku koobayaa in aan si gaar ah ugu nasto meelaha macnaha weyn inoo wada samayn kara. Sidoo kale, aniga oo tixgalinaya codsiga qoraha ee ah in maadaama uu buuggani yahay waxsoosaarkiisii kowaad indho lexjeclo leh lagu akhriyo, waxa aan isku dayi doonaa in aanan gorfayntan ku talaxtagin.

Buuggan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waxa uu ku saabsan yahay xusuustii iyo aragtidii mid ka mid ah siyaasiyiinta loogu hadalhaynta badan yahay Somaliland. Waa Xirsi Cali Xaaji Xasan oo 2010kii ilaa 2015kii ahaa gacanyaraha kowaad ee Madaxweyne Siilaanyo. Waa xaqiiqooyinka ku qarsoon hoggaamintii Madaxweyne Siilaanyo oo ka mid ah qaddiyadaha ka-hadalkooda sida weyn loogu kala aragti fog yahay.

Buuggu waa qoraaga, qoraaguna waa buugga. Sidaas darteed, ma aha laba arrimood oo sinnaba loo kala qaadi karo. Sidaas darteed, mar haddii aynnu ka hadlaynno buugga Xirsi Cali X. Xasan ee “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waa khasab in aynnu hal iyo laba ka nidhaahno qoraha.

Dadka Xirsi taageeraa waxa ay ku doodaan in uu yahay nin daacad ah, hawlkar ah, deeqsi ah oo runsheeg ah. Waxa kale oo ay sheegaan in uu guulo cuddoon soo hooyay muddadii uu madaxtooyada ku sugnaa, markii uu iska casilayna madaxtooyadii casilantay.

Aragti taa aad uga durugsan waxa qaba dadka aan la dhacsanayn siyaasaddiisa oo u arka in uu Xirsi awooddii Madaxweynaha si foolxun ugu tagrifalay, adeegsaday awoodo ka badan kuwii sharcigu u oggolaa, hanti badan musuqay, dad badan ku dulmay, isla markaana hannaankii dawladnimo, sharciyaddii iyo midnimadii wadareed ee dalka ku burburiyay. Waxa kale oo ay qabaan in uu yahay nin aad u indho adag oo bilaa yaxyax ah. Indho adayggaas laftiisa dad baa ku jecel.

Buuggan waxa daabacday shirkadda ASAL oo sida la sheegay dalka gudihiisa ku daabacday habeenkii ka horreeyay bandhigga. Tayo ahaan, si fiican ayaa loo daabacay marka loo eego daabacaad maxalli ah oo degdeg ah, walow aan la dafiri karin qaabaynta iyo nashqadda buugga ee laga qurxoon yahay iyo xabagta jilicsan ee waraaqaha isku haysa.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 341 bog iyo ilaa 23 bog oo isugu jira tusmo, gogolxaadh, afeef, mahadnaq, hibayn, i.w.m. Waxa uu ka kooban yahay labaatan cutub oo ilaa lix ka mid ahi aanay xidhiidh toos ah la lahayn waxa buugga laga fili karo. Waa cutubyada ugu horreeya oo badankoodu ka warramaya taariikhdii gumeysiga iyo maxmiyadda Ingiriiska, curashadii iyo habawgii gobannimada, dawladnimadii iyo qaranjabkii Soomaalida, abaartii Dabadheer iyo gurmadkii ku taxnaa iyo qodobbo kale. Marka laga reebo qodobka ugu dambeeya waa mawaaddiic aan xidhiidh toos ah la lahayn ladhka buugga ee Miyiga ilaa Madaxtooyada.

Xirsi waxa aan ku ammaanayaa in uu ka runsheegay xilliyo noloshiisa ku taxan oo wakhtiga iyo waayuhuba ku jiifeen. Waa taariikhda la xidhiidha noloshiisii waxmahaystanimada iyo duruufihii adkaa ee dadba kala sinnaa. Waa bilawgii geeddigiisa shaqada oo uu xusayo in uu muddalab ka noqday hudheelka Beder ee magaalada Burco iyo shaqadii uu shirkadda maanta ballaadhatay ee Dahabshiil ka bilaabay oo ahayd kaaliye fooniye. Muuqaallada caynkaas ahi waa kuwo dhiirrigalin kara dad badan oo aan ka mid ahay.

Waxa kale oo qodobbada i soo jiitay ka mid ah sida uu uga hadlay xaasaskiisa, iyo labadaraale; sida uu hoosta uga xarriiqay marwadiisii kowaad ee waayaha adag kala soo dabbaalatay Koos Maxamuud Aadan.

Dhinaca habqoraalka, walow rag aan ku kalsoonahay tifaftir ku sameeyeen, isla markaasna ay ku dedaaleen in ay saxartiraan, haddana, khaladaadka higgaadda iyo qoraalka ee buugga ka muuqdaa ma sahlana. Waxa jira bogag dhan oo aan is idhi cidiba isha ma marin. Si aad taas iila xaqiiqsato, bal ila eeg bogga 279 oo aan ka helay in ka badan ilaa soddon khalad oo dhinaca higgaadda iyo qoraalka ah.

Qaybaha ugu horreeya ee aad judhaba isha ku dhufanayso waxa ka mid ah
“Gogolxaadhka buugga” iyo saddex qormo oo koobkooban oo ay qoreen saaxiibbaday Maxamed Haaruun Biixi, Maxamed Baashe X. Xasan iyo Xasan Cabdi Madar. Qoraallada Baashe iyo Biixi waa kuwo xirfad qoraannimo iyo hufnaan huwan, hase yeeshee saaxiibkay Xasan Madar waxa uu u qoray hannaan aanan ka filayn oo cadho, abaalcelin iyo aargoosi intaba laga dhadhansan karo.

Inkasta oo aan loo xukumi karin si la mid ah sidii loo naqdiyi lahaa halabuurka suugaanta u banbaxay, haddana, gabayada uu buugga qoruhu ku soo bandhigay waxa ay u badan yihiin gabayo nuxur ahaan madhan, miisaan ahaanna laaxin badani ka muuqdo.

Cutubyada hore ee qoruhu ka warramayo taariikhaha ka soo bilawda markii gumeysigu carriga yimid, way yar tahay inta uu xusay meelaha uu ka soo xigtay. Isaga oo weliba qoruhu xusaya in aanu goobjoog ahayn.

Suugaanta halabuurka kale ee uu soo xigtay lafteeda ayuu qaar qaldayaa sida, “ninka ugu ildheer baa; dadka ugu ayaandaran” oo uu ku sheegayo in uu AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” halabuuray, halka uu heestaas oo aad caan u ah curiyay AHN Abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Cismaan-Askari”.

Guud ahaan buugga waxa ku badan anaaniyadda iyo aniga iyo aniga. Wax kasta oo wanaagsan oo dalka ka dhacay 2010 ilaa 2015 waxa fikir iyo fulinba horseed ka ahaa qoraha. Waxa sidoo kale ka buuxa qadaf iyo ereyo aad uga meeqaam hooseeya wixii laga fili karayay buug nin aan siyaasadda layli ku ahayni qoray.

Dhinaca kale, qoruhu waxa uu xusayaa in wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya uu isagu horseed ka ahaa, isla markaana fikradda iyo ficilka labadaba uu isagu lahaa. Waxa kale oo uu qirayaa in uu muddo dheer si qarsoodi ah u waday oo uu jiray nin Faarax Giindhe la yidhaa oo isaga (Soomaalilaand) iyo Sheekh Shariif u kala dabqaadi jiray. Ninkaas markii kowaad gurigayga ayaan ku casuumay buu yidhi, muddo kadibna waxa aan is tusay isaga iyo Wasiirkii arrimaha dibadda, oo aannu markii danbe madaxweynaha u wada geynnay.

Waxa kale oo uu buuggu bedka keenayaa qorshe Sheekh Shariif u soo bandhigay madaxweyne Siilaanyo mar uu ku soo booqday gurigiisa Landhan, qorshahaas oo uu kaga codsaday in uu Siilaanyo noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee Sheekh Shariif beddalaya. Waxa uu sidoo kale Sheekh Shariif ku sifaynayaa nin dhiirran oo go’aammo qaadan kara, wadahadalladana u soo jeeday.

Waxa uu buuggu xusayaa in dawladda Soomaaliya danaynaysay in ay sawir la gasho Soomaalilaand si ay u muujiyaan in ay midnimadii soo dabbaaleen, halka dawladaha waaweyn ee dhexdhexaadinta ku foogganaa lahaayeen dan aan taas aad uga durugsanayn oo daarran muujinta in ay yihiin dawlado xallin karaa arrinta Soomaaliya. Waxa kale oo uu buuggu xusayaa in Soomaalilaand lafteedu muujinaysay in ay tahay dal jira oo leh ilbaxnimo ay dalkii ay ka go’day ku qanciso. Saddexda dhinacba waxa uu u adeegsanayaa ereyga “muujin”. Sidaa darteed, waxa oo dhami waxa ay ahaayeen muujin iyo ismuujin.

Safarradii uu qoraha buuggu ku weheliyay madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale buugga lagu xardhay. Safarradaasi waxa ay u badnaayeen kuwo lagu iibgaynayo aqoonsiga iyo maalgashiga Soomaalilaan. Waxa se layaab leh in Xirsi sheegayo in badiba safarradaasi natiijo la’aan ku dhammaadeen.

Tusaale ahaan, safarkii ay ku tageen dalka Turkiga iyo kulankii ay Erdogan la qaateen ayuu ka hadlayaa. Waxa uu nuxur ahaan ka warramay horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday dalka Turkiga oo ah ay Islaamnimada u dheer tahay nidaamka dimuqraaddiyadda iyo doorashada shacabka ee madaxda. Waxa uu xusayaa in Turkigu si siman u martigaliyay wadahadalladii Soomaalilaand iyo Soomaaliya, isla markaasna aanay marna ka dareemin wax xaglin ah, maadaama aannu dareensanayn buu leeyahay in Turkigu si weyn u taageersan yahay midnimada Soomaaliya.

Waxa kale oo jiray in ay safarrada qaarkood kula kulmeen niman qalinshubato ah oo mar kasta leh waannu idin maalgashanaynaa, balse marka xidhiidhku waxoogay socdo dalbada in lacag aad u badan loo soo diro, si Soomaalilaan u hesho maalgashiga boqollaalka milyan ee dollar ah.

Safarkii weftiga madaxweyne Siilaanyo ku tageen dalka Koonfurta Suudaan ee ay kaga qaybgaleen dhalashadii dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika ayuu sidoo kale qoruhu ka hadlayaa. Waxa uu sheegayaa walow ay labada madaxweyne ku ballameen in ay labada qaran xidhiidh dhow oo isgarabsi yeeshaan, arrintaasi ma tisqaadin oo waa tii Suudaan saqiirtay.

Marka uu ka hadlayo safarkii ugu horreeyay ee ay Itoobiya ku tageen weftigii madaxweyne Siilaanyo, qoruhu waxa uu soo bandhigayaa talooyin waxku-ool ah oo Meles Senawi siiyay weftiga Soomaalilaan iyo kaftanno dhex maray labadaba. Kollayba intii aan buugga akhriyayay waa meelaha ugu xeesha dheer marka lagu eego indho ummadnimo. Talooyinka Ismaaciil Cumar Geelle u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo si dhaqaalaha Soomaalilaan kor loogu soo qaado ayaa iyaguna ah kuwo waxtar leh oo dawladda haatan joogta lafteedu ka faa’iidaysan karto haddii ay haleesho in ay buugga Xirsi akhrido.

Buugga waxa laga dareemi karaa isku daadsanaan door ah. Tusaale ahaan, waxqabadyada ay ka mid yihiin beddalka lacagta giinbaarta Burco iyo derajada ciidamadu waxa ay ku jiraan cutubka 16aad oo ku suntan “Dedaallada Ictiraaf raadinta Somaliland”. Safarradii uu madaxweyne Siilaanyo dunida ku galaabixiyay iyo madaxdii kala duwanayd ee uu kula kulmay uu kaga warramayo cutubka kaas ka horreeya ee 15aad oo ku suntan “Wasiirkii Madaxtooyada”.

Meelo badan oo buugga ka mid ah waxa aad ku arkaysaa qoraallo Ingiriisi ah oo aan la turjumin bal se af Soomaaliga caadiga ah lagu dhex tuuray. Sida aad qoraal Soomaali ah u waddo ayuun baa dhawr layn oo Ingiriisi ahi kugu soo baxayaan. Sabab sidaa loogu gartay ma fahmin. Xataa magaca buugga oo af Ingiriisi ah ayaa jeldiyaraha buugga gudaha kaga xardhan far waaweyn. In laba luqadood sidaa la isugu dhex qaso waxa looga jeeday ma fahmin. Ma waxa looga gol lahaa is xariifin iyo taana waa naqaannaa. Kollayba taa qoraha ayuun baa ka jawaabi kara.

Badiba qoraallada la xidhiidha tirooyinka ama xisaabaha ee ku xusan qaar ka mid ah bogagga buuggu waa kuwo aan si fiiro leh loo qorin oo lagu jahawareerayo, isla markaana kaa luminaysa fahamka mawaadiicda qaarkood. Runtii waxa ay u baahnaayeen tixgalin dheeri ah.

Meelo badan oo buugga ka mid ah waxa uu ku sheegayaa wax aanu ku sheegayn. Waxa aan filayaa waa arrimmo uu qoruhu doortay in uu si waayeelnimo leh u sarkaxaadiyo. Arrimahaas waxa ka mid ah: nin ka tirsan guddidii wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo soo jeediyay in Faysal Cali Waraabe laga reebo wadahadallada, markii soojeedintiisii lagu raacayna intuu gaar u baxay degdeg ula hadlay Faysal oo ku yidhi wadahadalladii Xirsi baa kaa reebay, taas oo sababtay in Xirsi iyo Faysal afxumooyin taxane noqday warbaahinta isula soo fadhiistaan. Arrintaas waxa uu sheegay in ay mar dambe isaga iyo Faysalba ogaadeen in laga dhex shaqeeyay. Ninkaas munaafaqa ah wuu qariyay, ma se qarsoomi karo. Waxa kale oo uu dulmarayaa in musuqmaasuq shaqada looga eryay saddex Wasiir oo xukuumaddii Siilaanyo ka mid ah, shan kalena xabsiga loo dhigay.

Bogga 317 waxa ku yaalla cinwaan u dhigan “Khaladaadkii aannu galnay”. Cinwaankaas waxa uu ku wada xusayaa khaladaad uu isagu si shakhsi ah u galay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhallinyaro shaqaale dawladeed ah oo uu shaqada ka eryay maalmihii ugu horreeyay ee muddo xileedka Siilaanyo. Waxa uu xusayaa in maadaama uu ka soo shaqeeyay shirkado gaar loo leeyahay oo shaqaalaha kolka la doono la eryi karo uu u arkayay in hay’adaha dawladduna la mid yihiin, bal se uu markii dambe fahmay in xeer iyo nidaam loo raaco oo hay’adda shaqaaluhu awood u leedahay shaqo ka-eryidda shaqaalaha.

Waxa kale oo uu qaybtaas kaga warramayaa shakhsi uu ixtiraamayay oo ka codsaday in uu kala hadlo maxkamad ay wax kaga xidhan yihiin. Xoghayihiisii ayuu deetana ku odhanayaa qoraal maxkamadda ku socda oo arrintaas ka hadlaya ii diyaari, waxa se uu xoghayahu u diyaarinayaa qaab-qoraal oo aan sax ahayn nidaam ahaan iyo sharci ahaanba. Sidaas ayuu qoruhu ku saxeexayaa isaga oo aan hubsan. Waxa se uu nasiibwanaag ku sheegayaa in warqaddaasi ku beegantay nin ay saaxiib ahaayeen, sidaasna uu ku badbaaday. Walow uu qoruhu qiray gefafkaas maamul haddana waxa uu ku doodayaa in aannu ka qoomammaynayn maadaama aannu si badheedh ah u samayn.

Waxa uu sidoo kale xusayaa khaladaad ay galeen xukuumad ahaan, kuwaas oo ay ugu mudan tahay in hal mar la wada beddalay agaasimayaashii guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, taasina ay keentay in ay meesha ka baxdo xusuustii maamul ee hay’adaha dawladdu (institutional memory). Qaybtan waxa uu sidoo kale ku sheegayaa in caddaaladda, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa ay isku dayeen in ay wax ka qabtaan, bal se uu rumaysan yahay in ay ka gaabiyeen ama aanay saarin culayskii loo baahnaa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu noqonayaa siyaasigii kowaad ee saamayn sidan u ballaadhan ku leh mujtamaca ee waayihiisii siyaasadeed ee tagtadii dhoweyd wax ka qora. In uu wax qoray iyo in uu arrin inta badan laga warwareego wax ka qorayba waan ku bogaadinayaa. Buuggiisan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waxa uu ku xusayaa siyaasiyiin door ah oo uu dhacdooyinka qaar marag u qabsanayo. Ma habboona in siyaasiyiintaasi arrimahaas ka-hadalka u baahan kaga jawaabaan af Soomaali mutaxan iyo ismaqiiq. Buuggu waa tacab qof oo dhaxal ummadeed galaya, sidaa darteed, waxa mudan in wixii ay qoonsadaan ama ba si kale u quseeya ee buuggan ku xusan ay kaga jawaabaan buug dhiggiisa ah.

La soco qaybo xiiso leh.
Qalinkii: Maxammed Saleebaan Cumar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.