Goorma ayay Dhamaanaysaa Colaada Ceel-Afweyn?

0
1,181 views
Goorma ayay Dhamaanaysaa Colaada Ceel-Afweyn?

Goorma ayay Dhamaanaysaa Colaada Ceel-Afweyn?

Ugu horayn akhriste aan iskiin baro degmadan aan ka sheekaynaayo daqiiqadaha soo socda. Iga raali ahaw akhristee hadii aan kaa mashquuliyey hawl aad haysay ama shaqo kuu socotay, kaliyaata waxaan qalinka u qaatay in aanaan ka aamusin colaada foosha xun ee aynu xalka u waynay sidii loo heshiisiin lahaa labada beelood ee wallaalaha ah.

Akhriste Ceel-Afweyn waxay ku taala koonfurta galbaad ee Ceerigaabo. Waxay dhacdaa lat.9.55 long.47.15 .Waxay leedahay, buuraha Golis iyo banaano xoola daaqeen ah. Waxay caan ku tahay faleenka ,sida beeyada iyo malmalka. Dhulka buuraha leh waxaa jira togog durdur ah oo laga beero khudaarta oo kala duwan, sidoo kale waxaay can ku tahay Xoolaha nool iyo ugaadha,

Akhriste aan inyar u leexdo qiimaha iyo sharafta ay leedahay nabadu, aqoonyahan Albert Einstein ayaa wuxuu ku sheegay nabada in ay tahay “wax aan qasab lagu hayn Karin ee ay tahay wax lagu gaadhi karo Isfahan”

Nabad waa eray aad u qiimo badan. Waa eray noolaha oo dhan aqoon fiican u leeyihiin, sidoo kale Nabad waxaa lagu qeexaa oo ugu dhow “Xaalad degennaansho iyo xasillooni, ayna ka dheertahay qas iyo argagax noocuu doono ha ahaadee” inkastoo ay jiraan qeyaxaado fara badani hadana tani waa ta ugu mudan.

Dhinaca kale Diintanadu waxay nafaraysaa inaan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa,waxayna amraysaa in nabad kuwda noolaanshaha mujtamaca ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro,alle(sw)waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri (QOFKII NAF DILA WUXUU LAMID YAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN DILAY,QOFKII NAF NOOLEEYANA WUXUU LAMIDYAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN NOOLEEYAY).

Akhritoow Hadii ay in uu fahmi lahaayeen aayadani cidda ay la hadlayso may dhacdeen in wallaalkii oo muslim ah ajasha ka jaro maalin iyo habeen walba isaga oo ku tuhmaaya amaba u haysta in uu yahay cadawgiisa kowaad.

hadii aan muwduuca kusoo dhowaado walaalayaal colaada Ceel-Afweyn  in ka badan lix jeer baa loo diray odayaal iyo salaadiin si ay xal kama danbaysa ugu gaadhaan laakin nasiib daro waxay noqotay barkuma taal iyo waxba kama jiraan.

Siddaas oo ay tahay dawladu waxay ku bixisay kharash fara badan sidii mar uun loo soo afjari lahaa colaadan foosha xun ee ka jirta degmadan Ceel-Afweyn ilamana ah aniga in ay dawladu dano gaar ahi ugu jiraan in ay isku dhacaan labadaas beelood ee wallaalaha ahi laakin ay raali ka tahay in noqdaan bulsha midaysan oo aan lahayn cunfi iyo dagaal sokeeya.

Arigtida kale ee aan qabaa waxaa weeye in dadka qaar u malaynayaa in hadii la badali lahaa wasiirka arimaha guddaha in xal waar laga gaadhi lahaa iyaga oo u arka in Maxamed Kahin uu yahay nin aan lahayn Go’aan lagu damiyo colaadaas laakinse anigu waxaan qabaa in Maxamed kaahin uu sameeyey wixii karaankiisa ah laakin ay sarta ka qudhantay Qaybo ka mid ah qurbajooga iyo salaadiinta kuwaas oo dabka ku sii shidaaya colaadan naafaysay dadkii wallaalaha ahaa.

Khilaafka rasmigaa ee ilaa iyo imika aan xaqiijiey ee sababay coladaas ragaadisay kumanaanka qof waxay ka bilaabmatay dhawr arimood oo kale ah dhul daaqsimeed, ceel biyood, beero, waana dabciga khilaafa bini-aadamka in ay mar walba isku qabsadaan khayraadka dabiicigaa kuwaas oo inta badan isku maandhaafa maamulidiisa iyo manaafacaadkiisa.

Sidee loo xaliyaa khilaafaadka laba kooxood oo iska soo horjeeda

  1. In marka hore la aqoonsodo arinta ay khilaafku ka taaganyahay.
  2. In dib loo eego wixii dhacay ee khasaaraa.
  3. In labada bulsho iyaga dib loo waydiiyo sidii loo xalin lahaa arintooda.
  4. In labada dhinaca iyo dhexdhexaadiyaashu ay isla aqoonsdaan wixii lagu heshiiyey.
  5. In heshiis adag laga saxeexo labada dhinac.

Akhriste colaada Ceel-Afweyn waxay kaliyaata oo ay dhamaanaysaa hadii aynu qodobadan hoos ku xusan eegno.

  1. In aynu ficil u badalno baaqyada faraha badan ee aynu dirayno.
  2. In aynu xalinteed u saarno guddiyo ka kooban culumo, aqoonyahano laakin aynu ka joojino salaadiinta laba wajilayaasha ah.
  3. In ay dawladu tusta labada beelood in ay dhex u tahay iyaga.
  4. In dhamaan ciidamada joogta goobtaas laga saaro ciidamada ah labada beelood si uu shakiga ciidamadu uga baxo.
  5. In bulshadu ka qaybqaataan sidii ay labada beelood iskugu soo dhawayn lahaayeen.
  6. In ay dawladu diyaar garayso wixii kharash ku baxaaya xalinta arintaas

Gebagabo

Akhristow Ugu danbayn waxaan ku soo gebagaynayaa waxa la ogyahay in diinteenu tahay diin samaxaad, diin cadaaladeed oo caadifo kamaran iyo lablakac,diin basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol,diin aan ogolayn dulmiga, diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa,diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasahaadiyo. siddaa oo ay tahay hadana dadka qaar umaba dhacsan arimahani oo waxayba u hatstaan difaacada reerkiisa in ay tahay arin ilaahay uu ku waajibyey.

Haddii aynu isku raaci wayn xalinta colaad ceel afwayn waxaa xigi doona burburka somaliland iyo faragalin shiisheeya taas oo cadawgeenu inaga faaidaysan doono ee aynu dhamaanteen ka qayb qaadano joojinta colaadda wallaaladeen.

Qaraa: Cabdixakim Maxamed Axmed

Abdihakiim91@gmail.com

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.