Goleyaashan guunka ah

0
73 views
Wakiilada Oo Markii 5-aad Mudo Kordhin Loo Samaynayo

Goleyaashan guunka ah
Gayigeenu leeyahay
Goormay garanayaan
Oo ay ka taayaan
Boosaskan gaboobe
Ay guryaa ka yeesheen
Ooy garwaaqsan doonaan
Inu geesiyaal kale
Gayigeenu leeyahay
Guyaal aan dhammayn
Guurti aan labadalay
Barlamaan gabooboo
Gabal koodi uu dhacay
Ayaa gees uleexayay
Oo gondaa isugu xidhay
Geedi socodkii howlaha
Geerbaabay ka xigaan
Inay golaa baneeyaan
Gafanayaasha gaamuray
Waxay guntiga u xidheen
Gunadooda gaarka ah
Ianay gaadhuun ka hayaan
Ooy gidaar ahaadaan
Hadba geed is mariyaan
Gobolada is taadhaan
Kootada gabdhaha iyo
Saami qaybsi ku gataan

Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qodob ka mid ah qodobada caqabada ku ah habsami socodka doorshooyinka dalka.waxa aan ugu horaysiinayaa goleha guurtida oo ah caqabad ka mid ah caqabadaha hortaagan doora shooyinka soomaaliland,ahna kuwo lagu yaqaan inay la soo boodaan kordhin iyo shaanbad ay isugu dhuftaan oo xaaraan ah waliba iyaga oo ku salaynaya ama ku sar koosta danahooda si ay ufadhiyaan goleha oo aan loo badalin isla markaana ugu dhufta goleyaasha kale ee qaranka ku waas oo ah qaar mudo dhaaf ah oo ku fadhiya xaaraan.
haddaba waxa aan ka codsanaynaa bulshada reer soomaaliland gaar ahaan cidii hanle inay arintaasi laga hadlo oo midhiyaha lagu garnaqsado.
waxa kale oo aan ka codsanaynaa madaxwaynaha inuu kala diro guurtida oo ay baneeyaan meesha si loo helo dhiig cusub way raagee maraa waaxid madaxwayne marlabaad iyo mar sadexaadba waxa aanu codsanaynaa inaad arintaasi wax ka qabato oo wax ka badasho meeshan laga dhigtay dhaxaltooyada Way socanayaan maqaaladu illaa inta xaqa lagadhayo.
Sh.Mukhtaar Xasan

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.